Xaqiiqada Ku Aadan In Jose Mourinho Uu Tababare Ka Noqon Doono Kooxda Paris St Germain Oo Shaaca Laga Qaaday, Kadib Laba Kulan Xidhiidh Ah Ay Guuldarooyin La Kulantay PSG.

Waxay u muuqataa in Paris St Germain ay bilowday inay u dhaqaaqdo raadinta tababare cusub si uu u leyliyo kooxda koowaad ee PSG, isla markaana uu badal u noqdo tababaraha ree Spain ee Unai Emery xili ciyaareedka soo aadan.

Paris St Germain ayaa labo guuldarro oo xidhiidh ah la kula kulantay horyaalka France Ligue 1 iyo kulankii Champions League-ga ay guuldaro kala kulantay kooxda ree Germany Bayern Munich, taasoo cadaadiska kusii kor dhineysa tababaraha ree Spain ee  Unai Emery.

Warar soo baxayay xiliyadii lasoo dhaafay ayaa sheegayay in macalinka kooxda Manchester United ee Jose Mourinho uu yahay macalinka leylin doono PSG hadii ay saraakiisha kooxda reer France isla meel dhigaan in ay iska diraan Unai Emery xiliyada soo aadan.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay wargeyska Faransiiska ah ee “L’Equipe” Mourinho ayaa lasoo warinayaa inuusan ahayn macalinka at kooxda PSG raadineyso, sidaasi darteed ma jirto xiiso ku aadan inuu heshiis qalinka ugu duugo, maadaama ay jireen warar ku aadan inuu imaanayo horyaalka France Ligue 1.

Dhinaca kale magacyada tababarayaasha ay ku raad joogto Paris St Germain si ay badal ugu noqdaan Unai Emery ayaa waxay kala yihiin sida warbixintan lagu xusay Massimiliano Allegri, Antonio Conte, Diego Simone iyo Luis Enrique.