XAQIIQ: Tababare Didier Deschamps Oo Xaqiijiyay In Xidig Xulkiisa France Ahi Uu Real Madrid Ku Biirayo.

Tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa si lama filaan ah u sii shaaciyay in xidiga xulkiisa France iyo kooxda Lyon ee Ferland Mendy uu ku biirayo Real Madrid wuxuuna warkan sheegay xili la sugayo in Madrid ay ku dhawaaqdo dhamaystirka heshiiska Mendy.

Ferland Mendy ayaa la fahansan yahay in uu maray tijaabada caafimaadka kooxda Real Madrid balse wali maamulka Madrid ayaan ku dhawaaqin in ay dhamaystireen heshiiska Mendy balse Didier Deschamps ayaa warka sii shaaciyay.

Tababare Didier Deschamps oo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ka horeeya Andorra ayaa la waydiiyay in uu ka faaloodo humarka cajiibka ah ee uu sameeyay difaaca bidix ee kooxda Lyon ee Ferland Mendy laakiin warkan ayuu si lama filaan ah saxaafada ula wadaagay.

Didier Deschamps ayaa sheegay in Ferland Mendy uu laba sanadood ka hor ka ciyaarayay horyaalka heerka labaad ee France isla markaana uu hadda qarka u saaran yahay in uu Real Madrid ku biiro.

Tababaraha xulka France ee Didier Deschamps oo ka hadlaya Ferland Mendy ayaa yidhi: “Laba sanadood ka hor waxa uu isagu ka ciyaarayay horyaalka heerka labaad, hadda waxa uu qarka u saaran yahay in uu ku biiro Real Madrid”.

” Isagu xuduuda ayuu ka booayaa, wuxuuna isagu ka ciyaari karaa labada dhinac (difaaca bidix iyo difaaca midig)” ayuu Didier Deschamps hadalkiisa sii raaciyay.

Hadalka Didier Deschamps ayaa si buuxda u qeexay in Real Madrid ay hadda qarka u saaran tahay dhamaystirka heshiiska Mendy isaga oo noqon doona mid ka mid ah saxiixyadii uu Zidane doonayay.