XAQIIQ: Real Madrid Waxay Leedahay Jamaahiirta Ugu Xun Dunida Waxaana Caddayn U Ah Wixii Dunidu La Yaabtay Ee Ay Xalay Ku Sameeyeen Eden Hazard.

Jamaahiirta kooxda Real Madrid ayaa ah kuwo lagu sifeeyo qaar danaystayaal ah balse warkaas ayaa markale banaanka yimid intii lagu gudo jiray soo bandhigistii saxeexa cusub ee Eden Hazard oo Chelsea kaga soo biiray.

Hazard ayaan marnaba wax qarsoon kasoo dhigin inuu jecel yahay u wareegista Madrid wakhtiyadii uu kusoo qaatay Chelsea waxaana ugu dambayn xaqiiqo u noqotay riyadiisii ahayd ku dheelista Bernabeu.

28 jirkan ayaa soo dhawayn weyn loogu sameeyay Santiago balse waxa dhacday arrin uusan marnaba jeclaysan doonin oo ay ku jiibiyeen jamaahiirta kooxdiisa cusub.

Waxa sharaf dhac weyn lagu sifeeyay in shaqsiyaadkii kasoo xaadiray goobtaasi ay ku qaylinayeen “Queremos Mbappe” oo la micno ah “Waxaanu doonaynaa Mbappe” taas oo qalbi jabin karta ciyaartoy weyn oo hada uun kooxdooda soo gaadhay.

Maaha markii ugu horreysay ee ay jamaahiirta Real si xun ula soo dhaqmeen ciyaartoy kooxdooda ah balse waxay sidaas oo kale soo sameeyeen shan bilood uun kaddib markii uu tababaraha haatan ee Zinadine Zidane isagoo ciyaartoy ah Ballon d’Or ku qaaday kooxda.

Sidoo kale jamaahiirta ayaa orin iyo inay dhagxaan ku tuuraan baabuurkiisa iskugu daray Gareth Bale oo haatanba kooxda ka tirsan saddex bilood uun kaddib markii uu sabab u noqday inay Champions League ku guuleystaan.

Waxa intaas dheer inay marar badan kusoo qayliyeen Cristiano Ronaldo oo loo arko midkii ugu wanaagsanaa ee taariikhda kooxdooda walow CR7 qudhiisu uu dhawr jeer iyaga oo ku orinaya goolal dhaliyay kuna qasbay inay aamusaan.