XAQIIQ: Barcelona Oo Rekoodh Cusub Oo Dalalka Aduunka Ah Ku Dhigaysa Ciyaartoyda Hal Koox Koobka Aduunka Uga Qayb Galaysa- Imisa Ciyaartoy Ayaa Real Madrid Uga Qayb Galaya?

Kooxda Barcelona ayaa u muuqata mid rekoodh cusub oo dalalka aduunka ah u dhigaysa ciyaartoyda ugu badan ee  hal koox ka wada tirsan ee qaramada aduunka uga qayb galaya koobka aduunka. Sidoo kale Barcelona ayaa markii ugu horaysay koobka aduunka ku yeelan karta ciyaartoydii ugu badnayd ee kooxdeeda ka tirsan.

Sida ay hadda u taagan tahay, 15 ciyaartoy oo Barcelona ka tirsan ayaa ka qayb gali doona koobka aduunka ee Russia ka dhici doona laakiin waxay tiradani gaadhi doontaa 16 ciyaartoy marka la ciyaaro kulanka lugta labaad ee Croatia iyo Creece iyada oo haddaba xulka qaranka Croatia oo u muuqdo mid soo baxay inkasta oo ay sharci ahaan tahay in la sugayo natiijada kulanka lugta labaad.

Hore u may soo dhicin taariikhda koobka aduunka in koox kaliya ay koobka aduunka uga qayb galaan 16 ciyaartoy waana rekoodh ay Barcelona hadda ku socoto iyada oo haddaba ay jiraan 15 ciyaartoy oo Barcelona ka tirsan oo ay qaramadoodu u soo baxeen koobka aduunka.

Tan iyo koobkii aduunka ee ugu horeeyay ee sanadkii 1930 kii ka dhacay dalka Uruguay waxaa Barcelona ka soo ciyaaray 115 ciyaartoy oo ka soo qayb galay koobka aduunka laakiin marka xagaaga soo socda la gaadho tiradan ayaa si wayn sare ugu kici doonta.

Sida ay hadda u taagan tahay waxaa Barcelona kooxdeeda ka tirsan isla markaana qaramadooda koobka aduunka u soo saaray xidigaha kala ah  Lionel Messi, Javier Mascherano, Paulinho, Luis Suarez, Gerard Pique, Sergio Busquets, Jordi Alba, Andres Iniesta, Ter Stegen, Samuel Umtiti, Lucas Digne, Ousmane Dembele, Tomas Vermaelen, Nelson Semedo iyo Andre Gomes laakiin sida muuqata Ivan Rakitic ayaa liiskan ka dhigi doona 16 ciyaartoy maadaama oo xulka qarankiisa Croatia uu kulankii lugtii hore ee play-offka uu guul wayn ka soo gaadhay Creece.

Markii ay Barcelona ciyaartoyda ugu badan ku lahayd koobka aduunka ayaa ahayd sanadkii 2010 kii ee koobka aduunka lagu qabtay South Afrika markaas oo ay Balaugrana uga qayb galeen 14 ciyaartoy laakiin kala badh waxay u ciyaarayeen qaranka Spain oo markaas koobka aduunka ku soo guulaystay.

Dhinaca kale Real Madrid ayaa haddaba koobka aduunka ku yeelatay 12 ciyaartoy laakiin liiskan ayaa gaadhi doona 14 ciyaartoy haddii sida la filayo in uu xulka qaranka Croatia uu kulanka lugta labaad ee Play-offka uu soo dhaafi doono Creece.

Real Madrid ayaa haddaba ay koobka aduunka uga qayb gali doonaan:

Spain: Sergio Ramos, Isco, Marco Asensio, Dani Carvajal iyo Nacho

Morocco: Achraf Hakimi

Brazil: Marcelo iyo Casemiro

Portugal: Cristiano Ronaldo

Germany: Toni Kroos

France: Raphael Varane

Costa Rica: Keylor Navas

Croatia: Luka Modric iyo Mateo Kovacic (waxay ku xidhan tahay in Croatia ay natiijadii kulankii lugta hore ee Play-off ay sii ilaashato)

Comments

comments