CAJIIB: Barcelona Oo Aan Wax Tababare Ah Soo Caydhin Mudo 16 Sano Ah, Imissa Tababare Ayaa Mudadaas Soo Maray Kooxda Ay Tartamaan Ee Real Madrid?

Kooxda Barcelona ayaa ah mid dhigeeda Real Madrid kaga wanaagsan dhinaca ilaalinta sharafta tababarayaasha kooxdeeda soo mara maadaama oo aysan haatan mudo dheer tababare si toos ah usoo caydhin.

Dhawaan ayay ahayd markii la filayay in Barca ay shaqada ka eryi doonto tababaraha kooxdeeda ee Ernesto Valverde kaddib musiibo kooxda ku habsatay dhammaadkii xilli ciyaareedka balse taas ayaan dhicin.

Tababarahan ayay mustaqbalkiisa shaki galiyeen natiijooyinkii Final-ka Copa Del Rey iyo afar dhammaadkii Champions League balse madaxweynaha Barcelona ee Bartomeu  ayaa taageero u muujiyay isaga oo sidoo kale helay kalsoonida ciyaartoyda waaweyn ee Barca.

Xaqiiqada ayaa ah in aysan Barcelona wax tababare caydhin ah soo samayn mudo dheer tan iyo markii ay kooxda wakhti kooban soo joogeen tababarayaashii kala duwanaa ee Serra Ferrer, Rexach, Van Gaal iyo Antic isla markaana ay macalimiintu go’aankooda ku baxayeen.

SIDOO KALE AKHRISO:  Wargeyska Le Parisien Oo Kashifay In Barcelona Dadaal Been Ah Ku Bixineyso Soo Xerogelinta Neymar & Sababta Ka Danbeysa

Tan iyo imaatinkii tababare Rijkaard, Barcelona ayaan macalin shaqada ka eryin waxaana sidoo kale mudadaas kooxda soo maamulay Pep, Vilanova, Tata Martino iyo Luis Enrique oo dhammaantood iyagu toos u baxay.

Taa bedelkeeda kooxda ay Barcelona loolamaan ee Madrid ayaa in badan kala bedesha tababarayaasha kooxdeeda waxaana tusaale ku filan in xilli ciyaareedkii dhawaa ee 2018-19 ay saddex tababare shaqada iska bedeleen.

Tan iyo 2003 oo ah markii Barca ugu dambaysay tababare ay caydhiso waxa kaliya kooxda soo maamulay lix macalin halka Los Blancos ay soo layliyeen 16 tababare.

Kooxda kaliya ee tan iyo wakhtigaas kasoo tababarayaal badnayd Real Madrid ayaa ah kooxda ree Talyaani ee Inter Milan oo 18 tababare soo yeelatay.