
Waxa caawa lagu dhawaaqi doonaa xiddiga ku guuleystay abaal-marinta xiddiga ugu fiican dunida ee Ballon d’Or oo la saadaalinayo in loollanka ugu adag uu ku dhex-marayo Lionel Messi iyo Van Dijk oo wacdaro soo dhigay xili ciyaareedkii dhamaaday.
Xafladda ayaa lagu qaban doonaa magaalada Paris ee waddanka Faransiiska, waxaana hore usoo dhamaatay codayntii tababareyaaasha, wariyeyaasha iyo kabtannada.
Warar shalay lasoo dusiyey ayaa waxa lagu sheegay in Lionel Messi uu dhibco aad u badan ka horreeyo Van Dijk oo kusoo xiga, sidaasna uu xiddiga Barcelona ku qaadan doono abaal-marintan markiisii lixaad.
Soddonka ciyaartoy ee caawa midkood la guddoonsiinayo abaal-marinta ayaa waxa xiddigaha ugu badan ku leh Liverpool oo ay ka socdaan toddoba ciyaartoy, Manchester City oo laacib ah iyo Barcelona oo afar ciyaartoy usoo galeen.
Real Madrid ayaa waxa liiskan gaaban kasoo galay Karim Benzema iyo Eden Hazard, hase yeeshee da’yarka dhawaana la siiyey xiddiga dhallinyarada ugu fiican ee Joao Felix ayaa noqday laacibka kaliya ee ka tirsan Atletico Madrid ee liiskan soo galay, laakiin waxa gebi ahaanba aan ku jirin laacibkii sannadkii hore ku guuleystay ee Luka Modric oo bandhig liita muujiyey xili ciyaareedkii tegay.
Liiska 30-ka ciyaartoy iyo kooxaha ay ka socdaan:
Liverpool: Virgil Van Dijk, Roberto Firmino, Alisson Becker, Georginio Wijnaldum, Trent Alexander-Arnold, Sadio Mané iyo Mohamed Salah
Manchester City: Kevin De Bruyne, Riyad Mahrez, Bernardo Silva, Sergo Aguero iyo Raheem Sterling
Barcelona: Messi, Antoine Griezmann, Andre ter Stegen iyo Frankie De Jong
Real Madrid: Karin Benzema iyo Eden Hazard
Tottenham: Son Heung-min iyo Hugo Lloris
Ajax: Donny van de Beek iyo Dusan Tadic
Juventus: Cristiano Ronaldo iyo Matthijs De Ligt
PSG: Kylian Mbappe iyo Marquinhos
Atletico Madrid: Joao Felix
Napoli: Kalidou Koulibaly
Bayern Munich: Robert Lewandowski
Arsenal: Pierre-Emerick Aubameyang
Muxuu yidhi Virgil Van Dijk?
Difaaca Liverpool ee Virgil van Dijk oo kasii hadlay abaal-marinta caawa la bixinayo ayaa waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in haddaba qiimaynta wax-qabadkiisa lasoo bandhigayo, laakiin haddii uu laacib kale ku guuleysto aanay ahayn dhamaadkii adduunka, waxaase uu hoosta ka xariiqay inuu sugayo wixii uga soo baxa madashaas.
“Waan ku faraxsanahahay sababtoo ah ciyaartooyo badan ma tagaan halkaas, mana jirayaan cid khasaartay caweysinkaas. Waynu arki doonaa waxa dhaca.” Ayuu yidhi.