XAASAASI: Sergio Busquets Oo Madax Waynaha Kooxdiisa Barcelona Ee Josep Maria Bartomeu Ku War Galiyay Hal Sabab Oo Kaliya Oo Uu Camp Nou Ku Sii Joogi Karo.

Barcelona ayaa isku diyaarinaysa in ay xili ciyaareedkan horyaalka La Liga ku dhamaysato guuldaro la’aan iyada oo ku soo guulaysatay koobabka La liga iyo Copa del Rey laakiin maamulka Barcelona waxaa haysta walwal dhinaca heshiisyada ah waxaana ugu muhiimsan Sergio Busquets iyo Samuel Umtiti oo ay hadda xaalad aan fiicnayn ka taagan tahay.

Xidiga khadka dhexe ee xulka qaranka Spain iyo kooxda Barcelona ee Sergio Busquets ayaan ku qanacsayn qodobada heshiiska uu Camp Nou ku joogo wuxuuna madax waynaha kooxdiisa ee Josep Maria Bartomeu uu ku war galiyay in mushaarkiisa sare loo qaado haddii kale loo ogolaado in uu kooxda ka bixi karo maadaama oo ay jiraan kooxo badan oo doonaya in ay la wareegaan.

Waxay ahayd September 22,2016 kii markii uu Sergio Busquets qalinka ku duugay qandaraas cusub oo shan sano ahaa kaas oo dhacaya 2021 laakiin waxaa heshiiskaas qayb ka ahaa in uu haysto laba sano oo doorasho dheeraad ah oo uu qandraaskan ku kordhisan karo.

Sergio Busquets ayaa markaa laga dhigay ciyaartoyda ugu mushaarka badan Barcelona waxaana ka sareeya oo kaliya Lionel Messi iyo Andres Iniesta wuxuuna sanadkii qaataa 14 milyan euros waxaana u dheer 2.6 milyan euros oo uu ku helay koobabkii ay Barcelona ku soo guulaystay.

In Sergio Busquets oo maamulka kooxdiisa ka dalbaday in mushaarkiisa sare loo qaado ama loo ogolaado in uu kooxda ka bixi karo waxay cadho ka abuurtay Camp Nou iyada oo waliba hal sano iyo todoba oo kaliyi ay ka soo wareegtay markii uu saxiixay heshiiska shanta sano ah ee uu Camp Nou ku joogo.

Sida uu wargayska Sport shaaciyay markii hore wakiilka Busquets ee Josep Maria Orobitg ayaa madax wayne Bartomeu ku wargaliyay in mushaarka Sergio Busquets sare loo qaado laakiin sidoo kale xidiga ree Spain laftiisa ayaa Bartomue u sheegay in heshiis cusub mushaarkiisa sare loogu qaado ama in loo ogolaado in uu ku biiri karo liiska kooxo haddaba diyaar u ah in ay la wareegaan.

Heshiiska Busquets ee Barcelona ayaa lagu burburin karaa 200 milyan euros wuxuuna hadda Busquets baaqi ka siiyahay Xavi iyo Iniesta oo ay waqti dheer Barcelona khadkeeda dhexe ka soo wada ciyaarayeen balse iyaga oo 34 sano jir h si xor ah kooxda kaga baxay iyada oo waliba si wayn loo sharfay.

Laakiin Busquets oo 30 sano jir ah oo door muhiim ah ku leh shaxda Valverde ayaa doonaya in mushaarkiisa sare loo qaado basle maamulka Barcelona ayaa haysta arin muhiim u ah in Busquets ay cadaadis ku saari karaan taas oo ah in kooxdii bixinaysa 200 milyan euros ay 30 jirkan fursad u siin karaan in uu baxo oo ay lacag badan ka heli karaan balse ma kala cada haddii ay Busquets xaqiiq ka tahay in uu baxayo iyo in uu mushaar sare ku raadinayo.