XAASAASI: Ronaldo Waa Gool Dhaliye, Messi Waa Wax Walba, Waana Ka Abid Ugu Fiican- Wayne Rooney Oo Si Wayn Uga Cadhaysiiyay Saaxiibkiisii Cristiano Ronaldo.

Kabtankii hore ee xulka qaranka England iyo kooxda Manchester United ee Wayne Rooney ayaa si wayn uga cadhaysiiyay xidigii ay Old Trafford waqtiga fiican ku soo wada qaateen ee Cristiano Ronaldo kadib markii uu Rooney bixiyay waraysi uu si cad ugu kala go’aamiyay doodii Messi iyo Ronaldo midka fiican.

Wayne Rooney ayaa sheegay in Lionel Messi uu yahay xidigii abid ugu fiicnaa kubbada cagta aduunka isla markaana uu Ronaldo yahay gool dhaliye kaliya isaga oo waliba tilmaamay in kooxdiisii Manchester United ay ku guulaysan lahayd UEFA Champions League sanadihii 2009 iyo 2011 haddii ayna Barcelona iyo Messi ahayn cida ay ka hor yimaadeen.

Cristiano Ronaldo iyo Wayne Rooney ayaa qayb ka ahaa kooxdii Manchester United ee finalkii Champions league guuldarada kala kulantay Barcelona sanadkii 2009 kii intii aanu Ronaldo u dhaqaaqin Real Madrid.

Wayne Rooney oo ka hadlaya labadii kulan final ee Champions League ee 2009 iyo 2011 ee ay Man United guuldarada kala kulantay Barca ayaa yidhi: “Labadii kulanba (finaladii UCL), haddii aanu ka hor iman lahyn koox kasta oo kale oo aan Barcelona ka ahayn, waxaad anaga nala dooni lahayd in aanu ku guulaysano”.

Intaa kadib Wayne Rooney ayaa amaan layaableh kala dul dhacay Lionel Messi oo uu kulamadan ku xusuusto wixii uu sameeyay wuxuuna yidhi: “Indhahayga waxay ku yihiin kooxda abid ugu fiican isla markaana Messi waa ciyaartoyga abid ugu fiican, waxa uu sameeyaa waa wax aan macquul ahayn, Messi kaliya wax walba wuu leeyahay”.

Laakiin Wayne Rooney ayaa amaanta Messi ka sakow waxa uu cadho ku abuuray qaabka uu ku qeexay Ronaldo wuxuuna yidhi: “Ronaldo waxa uu ka yimid garabka wuxuuna noqday weerar yahan gool dhaliye ah, halkii uu ciyaartoyda qaadi lahaa waqtiga oo dhan, waxa uu ku tagaaa hal ama laba taabasho oo dheeraad ah, wuxuuna yimaadaa xerada ganaaxa wuxuuna dhaliyaa goolal”.

Wayne Rooney ayaa markale ku soo laabtay in uu sii qeexo Lionel Messi wuxuuna yidhi: “Messi waa wax walba-, waxaad arki kartaa isaga oo goolal dhalinaya, isaga oo ka soo ciyaaray khadka dhexe oo mararka qaar door ku yeelanaya”.

1 Aragti ayaa laga dhiibtay warbixintaan

Comments are closed.