XAASAASI: Lix Qodob Oo Shirkii Khamiistii Ee Maamulada Kubbada Cagta England Kawada Hadleen Oo Hadda Xog Faah Faahsan Laga Helay.

Khamiistii waxaa shir si wayn loo sugayay iskugu yimid saddexda maamul ee FA-ga Maamulka Premeir League iyo EFL oo maamula horyaalada heerka hoose ee England, waxayna dhamaantood isla gaadheen heshiis ah in kubbada cagta England oo dhan la joojiyo ilaa April 30.

Marka laga reebo qodobkan wayn ee warkii khamiistii ugu muhiimsanaa, wax badan lagama ogayn ajandihii iyo qodobadii ugu muhiimsanaa ee shirkan looga hadlay balse waxaa hadda la helay arimo aan markii hore la shaacin.

Waxaa la ogaaday qodobo badan oo ay maamulada kubbada cagta England kaga wada hadleen shirkii ay khamiistii yeesheen waxaana ka mid ahaa qodobo aan markii hore si faah faahsan looga hadlin.

Qodobada aan hore loo shaacin ee khamiistii laga wada hadlay waxaa ka mid ah in ayna jirin kooxo Premier League ah oo olole ugu jira in xili ciyaareedka gabi ahaanba meesha laga saaro waxaana la xaqiijiyay in kooxaha oo dhan amar lagu siiyay in ay waajib ku tahay in ay xili ciyaareedka dhamaysan doonaan.

Qodobkan ayaa si wayn uga farxinaya jamaahiirta kooxda Liverpool ee hore ay warbaahintu ugu sheegayaan in kooxo badan oo Premier league ahi ay soo jeediyeen in xili ciyaareedka waxba kama jiraan laga dhigo balse shirkii khamiistii ayaa arintan lagu beeniyay.

Waxa kale oo qodobadan ku jira in xili ciyaareedka soo socda uu Premier league ka badnaan karo 20 ka kooxood ee uu sharci ahaan ka koobnaa si loogu soo dari karo kooxaha heerka labaad ka soo dalaci doona halka ay suurtogal tahay in kuwii heerka labaad ka dhici lahaa ay wali heerkooda sii joogi karaan.

Ilaa lix qodob oo aan ahayn in dib loo dhigay kulamadii kubbada cagta England ayaa laga ogaaday in looga hadlay kulankii madaxda maamulada kubbada cagta iyo kooxaha kala duwan ee Engaland.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qodobadii shirkii khamiistii looga hadlay ee ka baxsan qodobka ugu waynaa ee dib u dhiga kulamadii halkan ayaanad kaga bogan kartaa qodobadii kale ee laga wada xaajooday.

1-In dhamaan kooxaha oo idil go’doon hadda la galiyay, waqtiga la soo laabanayaa waa April 30 waana sababta waqtiga ay xayiraadani soconayso, waxaana kooxaha la siin doonaa maalmo dheeraad ah ee waqtigii ay tababarka ka maqnaayeen.

2-Dhamaan kooxahu waxay doonayaan waqti ku haboon oo ay ku diyaar garoobaan, waxayna dareensan yihiin in ay cadaalad tahay soo laabashada Premier league.

3-Waxaa la xaqiijiyay in ayna jirin kooxo codsaday in xili ciyaareedka waxba kama jiraan laga dhigo, laakiin dhamaantood waxaa loo sheegay in ay waajib ku tahay in ay sii wataan ciyaarista.

4-In xili ciyaareedka dib loogu bilaabo garoomo albaabadu u xidhan yihiin waa habka ugu fiican ee maamulka Premier League iyada oo kulamada lagu ciyaarikaro garoomo dhex dhexaad ah oo yar yar.

5-Sidii horeba loo sheegay, hal fikrad waa in dhamaan kooxuhu ay saddexdii maalmoodba hal kulan ciyaari karaan.

6-Dariiqa Bundesliga waa mid ka mid ah hababka badan ee loo tixgalin doono EFL(horyaalka heerka labaad) iyada oo ayna jiri doonin kooxo hoos u dhacayaa halka xili ciyaareedka soo socday ay jiri karto suurtogalnimada premieer league oo ka badan tirada uu yahay.