WARBIXIN: Waa Kuwee Kooxaha England Ee Koobabka Ugu Badan Ee Waa Wayn Ku Soo Guulaystay? Imisa Koob Oo Waa Wayn Ayay Kooxdaadu Ku Guulaystay Halayse Ku Jirtaa?

Manchester City ayaa noqotay xili ciyaareedkan kooxdii ugu horaysya ee koob ku guulaystay ee kooxaha ree England, waxayna kooxda Gaurdiola haysataa fursada ay ugu guulaysan karto koobabka Premier League oo ay dariiqa u saaran tahay iyo waliba UEFA Champions League oo ay ka mid tahay kooxaha loo saadaalinayo kadib awooda buuxda ee ay la soo baxday.

Haddaba markasta oo ay kooxi ku guulaysato koob waxay keentaa in tiradii koobabkii ay haysatay lagu daro isla markanaa isbarbar dhig lagu sameeyo kooxaha ay la tartamayso. Inkasta oo ay Manchester City ahayd koox heer dhexaad ah ka hor intii ayna maal qabeenada carbeed la wareegin, ayaa hadda ka mid ah kooxaha Yurub ugu awooda badan laakiin waxay si wayn ugu hoosaysaa dhinaca koobabkii ay ku soo guulaystay.

Manchester City ayaa waqti dheer u baahan doonta in ay soo qabto kooxda ay dariska yihiin isla markaana ay sida wayn u xifiltamaan ee Manchester United oo dhinaca koob ku guulaysiga aad uga horaysa City. Manchester City ayaa ugu dhawaan ku soo guulaysatay saddex jibaarka koobabka ay City ku soo guulaysatay.

Haddaba shabakada Gool24.net ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa xogta kooxaha England koobabka ugu badan ee muhiimka ah ku soo guulaysatay iyada oo xogtani ay tahay mid uu bixiyay wargayska Bleacher Report isla markaana ku salaysan koobabka waa wayn iyo kooxaha England guulaha ugu waa wayn ka soo gaadhay.

Manchester City ayaa xalay loo caleemo saaray koobkeedii 15 aad ee taariikhda kooxdeeda halka kooxda ay la xifiltanto ee Manchester United ay 42 koob ku soo guulaysatay waxaana u dhexeeya farqi 27 koob ah oo ay Manchester United kaga sarayso dariskeeda Sky Blues.

Liverpool ayaa ah kooxda ay Machester United sida tooska ah ugu tartamaan koobabka lagu soo guulaystay iyada oo xili ciyaareedkii hore markii ay United ku guulaysatay Europa league ay dhaaftay Reds. Liverpool ayaa kaalinta labaad ee koobabka abid lagu soo guulaysatay waxay ku haysataa 41 koob oo ay ka mid yihiin 5 koob oo Champions League ah iyo 18 koob oo horyaalka Ingiriiska ah.

Manchester United ayay 42ka koob ee ay haysato ka mid yihiin 20 koob oo horyaalka Ingiriiska ah iyo 3 koob oo Champions League ah, waana sababta kulanka Man United iyo Liverpool loogu tilmaamo kulanka England ugu wayn ee kulmiya kooxaha ugu guulaha badan.

Arsenal ayaa kaalinta saddexaad ku jirta waxayna ku soo guulaysatay 30 koob laakiin waxay ka mid tahay kooxaha waa wayn ee aan ilaa hadda ku soo guulaysan Champions League balse waxay haysataa rekoodhka ah in ay koobka Premier league ku soo guulaysatay iyada oo aan wax guuldaro ah arag hal xili ciyaareed oo dhamaystiran.

Chelsea ayaa ah kooxda afraad ee England ugu guulaha badan iyada oo 22 koob ku soo guulaysatay laakiin haddii ay da’daadu yar tahay oo aanad taariikh badan ka hayn kubbada cagta England waxaa suurtogal ah in ay layaab kugu noqon karto kooxda kaalinta shanaad ku jirtaa.

Kooxda hadda ka ciyaarta heerka labaad ee Aston Villa ayaa ah kooxda shanaad ee England ugu guulaha badan iyada oo 20 koob ku soo guulaysatay waxayna ka horaysaa kooxaha  Tottenham, Everton iyo Manchester City oo kaalmaha ku sii xiga ku kala jira sida ay u kala horeeyaan.

Haddaba halkan kaga boog liiska kooxaha ree England ee koobabka ugu muhiisan ee ugu badan ilaa hadda ku soo guulaysatay.

1-Xogta Koobabka Muhiimka Ah Ee Manchester United:

Manchester United ayaa ah kooxda rekoodhka ku haysata koobka heerka kowaad ee horyaalka Ingiriiska iyada oo intii loo bixiyay magaca Premier league ku soo guulaysatay 13 jeer halka 7 jeer ay ku soo guulaysatay markii loo yaqaanay magaca First Division.

Premier League (13): 1992–93, 1993–94, 1995–96, 1996–97, 1998–99, 1999–2000, 2000–01, 2002–03, 2006–07, 2007–08, 2008–09, 2010–11, 2012–13

First Division (7): 1907–08, 1910–11, 1951–52, 1955–56, 1956–57, 1964–65, 1966–67

FA Cup (12): 1908–09, 1947–48, 1962–63, 1976–77, 1982–83, 1984–85, 1989–90, 1993–94, 1995–96, 1998–99, 2003–04, 2015–16

League  Cup (5): 1991–92, 2005–06, 2008–09, 2009–10, 2016–17

European Cup / UEFA Champions League(3) : 1967–68, 1998–99, 2007–08

UEFA Cup Winners’ Cup(1): 1990–91

UEFA Europa League(1): 2016–17

2-Xogta Koobabka Muhiimka Ah Ee Liverpool:

Liverpool ayaa ah kooxda England ka dhisan ee guulaha ugu waa wayn ka soo hoysay koobka kooxaha Yurub ee UEFA Champions League iyo markii loo yaqaanay European Cupka iyada oo ah kooxda kaliya ee tartankan shan koobka kaga soo guulaysatay.

First Division (18): 1900–01, 1905–06, 1921–22, 1922–23, 1946–47, 1963–64, 1965–66, 1972–73, 1975–76, 1976–77, 1978–79, 1979–80, 1981–82, 1982–83, 1983–84, 1985–86, 1987–88, 1989–90

FA Cup (7): 1965, 1974, 1986, 1989, 1992, 2001, 2006

League  Cup (8): 1981, 1982, 1983, 1984, 1995, 2001, 2003, 2012

European Cup / UEFA Champions League(5) : 1977, 1978, 1981, 1984, 2005

UEFA Cup/UEFA Europa League (3): 1973, 1976, 2001

3-Xogta Koobabka Muhiimka Ah Ee Arsenal:

Arsenal ayaa ah kooxda England ka dhisan ee rekoodka ku haysata koobka FA Cupka iyada oo 13 jeer ku soo guulaysatay mana jirto koox kale oo tiradan ku soo guulaysatay koobka England ugu da’da wayn ee FA Cupka.

Premier League+ First Division (13):  1930–31, 1932–33, 1933–34, 1934–35, 1937–38, 1947–48, 1952–53, 1970–71, 1988–89, 1990–91, 1997–98, 2001–02, 2003–04

FA Cup (13): 1929–30, 1935–36, 1949–50, 1970–71, 1978–79, 1992–93, 1997–98, 2001–02, 2002–03, 2004–05, 2013–14, 2014–15, 2016–17

League  Cup (2): 1986–87, 1992–93

UEFA Cup Winners’ Cup (1): 1993–94

Inter-Cities Fairs Cup(1): 1969–70

4-Xogta Koobabka Muhiimka Ah Ee Chelsea:

Premier League+ First Division (6): 1954–55, 2004–05, 2005–06, 2009–10, 2014–15, 2016–17

FA Cup (7): 1969–70, 1996–97, 1999–2000, 2006–07, 2008–09, 2009–10, 2011–12

League  Cup (5): 1964–65, 1997–98, 2004–05, 2006–07, 2014–15

UEFA Champions League(1) : : 2011–12

UEFA Europa League (1): 2012–13

UEFA Cup Winners’ Cup (2):1970–71, 1997–98

5-Xogta Koobabka Muhiimka Ah Ee Manchester City:

Premier League+ First Division (4): 1937, 1968, 2012, 2014

FA Cup (5): 1904, 1934, 1956, 1969, 2011

League  Cup (5): 1970, 1976, 2014, 2016, 2018

UEFA Cup Winners’ Cup (1): 1970

Sida aad fahmi karto waxaa koobabka ay kooxahani ku soo guulaysteen ka maqan koobabka aan waa waynayn ee sida FA Community Shield, UEFA Super Cup iyo kuwa la mid ah, waxaana la xisaabiyay oo kaliya koobabka waa wayn ee loo yaqaan ‘Major Trophies”.

Waa hubaal in xogtani ay kala saari karto qaar akhristayaasha ka mid ah oo ku doodi jiray kooxaha ugu guulaha badan England balse xogtu been ma sheegto, waana sababta ay taariikhdu u tahay mid qoran oo aan la badali karin. Haddii lagu saleeyo xogta koobabka muhiimka ah ee aan soo sharaxnay waxay hadda u muuan kartaa in ay muuqato koox kasta oo ka mid ah shanta kooxood ee waa wayn ee Premier league heerka ay kala taagan yihiin.

12 Comments

    • Maya, Liverpool kumay guulaysan intii magaca Premier League la bixiyay waxaa markii hore loo yaqaanay First Division, laakiin Man United waxay ku guulaystay 13 PL iyo 7 koob oo markii first division koobka heerka kowaad loo yaqaanay. Guud ahaan Man United 20 koob oo heerka kowaad ee England ah ayay haysataa halka Liverpool ay haysato 18 koob oo horyaalka heerka kowaad ah. Mahadsanid.

    • Moha sxb manchester united 13 waxeey qaaday intaanan magaca hotyaalka la badalin kadibna markii magaca premier league loo badalay ayeey qaaday 7 intaas waxeey isku noqoneeysaa 20 horyaal. halka liverpool ay qaday 18 horyaalka inta aan la badalin magaciisa tas oo macneheedu yahay liverpool sida loo badalay magaca horyaalka kuma aysan guuleeysan premier league ee 18 ka ay heeysato waa wixii kahoreeyay 1992 .

  1. FiFa world cup koop mahan miyaa Intertional cup UFFA super cup intaba kooxda kaliye ee England ee k guulaysty waa Boqortooyo man united waana Kooxda Saddexaad ee Yurub ugu koobabka badn Barcenola 87 koob Real Madrid 85 man united 66 waa All koop Man united is Red devlis The home is Theatre of Dreams waaan ka wadaana naaadiga dunida ugu taaageerada bdn ugu Taaajirsan ugu caansan Glory man united in England sharafta England

  2. SAS iga dheh war Kuwo an waxba garanayn ayaa ciyaro ka hadla re Chelsea maseer darti man eplka waxba kama aha waar boqorada ingriska ilahay ba boqore

  3. Liverpool waa naadiga kaliya ee england kasoo jeeda la xafiil tami jirey Real Madrid AC Milan waxaana lagu naaneysaa Biqorada Ingriiska ee yurub.
    Liverpool waa naadi facweyn taariikhda ayaa xusidoonta.
    Man united waxey i dheertahay 2 premier league ah lkn ogow in la dheeryahay 2 champions league ah iyo 2 Europe league ah
    Reer Man United aan kala joogno inta kalana hadal uma fura fariimaha waxaa is weydaarsan kara taageerayaasha Liverpool iyo kuwa Man united.

Comments are closed.