Xaalada Suuqa Ee Mauro Icardi Oo Heer Kale Ku Socota, Juventus Oo Tartanka Soo Gashay & Madaxa Kubadda Cagta Juve Ee Fabio Paratici Oo Saxaafada U Warramay.

Kooxda Juventus ayaa soo gashay tartanka iyo xiisaha loo muujinayo weeraryahanka Inter Milan ee Mauro Icardi iyaga oo dhigooda Inter ka warraystay haddiiba Mauro uu xiisaynayo inuu kooxda ka baxo sida uu shaaciyay madaxa kubadda cagta Juve ee  Fabio Paratici.

Mustaqbalka Icardi ee Inter ayaa ahaa mid shaki hadheeyay isla markaana ay iska soo daba dhacayeen wararka kooxo badan la xidhiidhinaya tan iyo markii xilkiisii kabtanimo laga qaaday oo gacanta loo galiyay goolhaye Samir Handanovic.

Wakiilkiisa sidoo kale ah xaaskiisa oo lagu magacaabo Wanda Nara ayaa dhawaan sheegtay in Icardi uusan meelna uga socon Inter balse sidoo kale waxa jirta xan badan oo sheegaysa in Inter ay iibin doonto kahor xilli ciyaareedka dambe.

Haddaba, Patrici ayaa sheegay inay kaliya sameeyeen war-gelin ku aadan dhinaca Inter isla markaana ay kaliya wax xog ah waydiisteen isagoo aan meesha ka saarin inay xiisaynayaan saxeexa Icardi.

Fabio Patrici ayaa yidhi “Waxaanu weydiisanay xog, Waxaanu doonaynay inaanu ogaano waxa uu Icardi u arko u ciyaarista Juve”

“Waxa aanu samaynay waxa ay ahayd inaanu iyaga (Inter) midaas ku war gelino, Haddii Icardi uu bedelanayo kooxda, Juve way xiisayn kartaa, Kuwani waa waxyaabaha ay dhammaan kooxuhu ku sameeyaan ciyaartoy badan”

“Muu jirin wax xidhiidh ah uu dhawaan ah oo aan la samaynay Marwada Icardi, Isagu waa ciyaartoy Inter ah waxaana jira bilo muhiim ah oo naga horreeya”

Kooxda Real Madrid ayaa xilli horeba lala xidhiidhiyay Icardi balse xaaskiisa Nara ayaa warkaas oo uu shaaciyay wargeyska MARCA ku sifaysay been abuur.