Xaalada Dhaawacyada Labada Xul, Shaxaha Macquulka Ah & Faalada Faah-Faahsan Ee Kulanka Ku Celiska Semi Final-kii Koobka Aduunka Ee Croatia v England.

Waxa caawa dalka Croatia ka qabsoomi doona kulan dhex mari doona xulka qaranka dalkaasi iyo xulka England, Kulankan ayaa ah ku celiska afar dhammaadkii Koobkii Aduunka ee sanadkan markaas oo laba dhinac ay isku arkeen tartankii ka qabsoomay dalka Ruushka.

Tababare Gareth Southgate iyo wiilashiisa ayay ka go’antahay inay natiijo quman kasoo helaan kulankan kana soo aarsadaan Croatia oo Koobkii Aduunka saartay, Dhinaca kale tababare Zlatko Dalic iyo xulkiisa ayaa ugu yaraan diyaar u ah inay ka dagaalamaan guuldarro dalkooda kusoo gaadha.

Waa sidee xaalada fayo-qabka labada xul?

Xulka martida loo yahay ee Croatia ayay ka maqan yihiin tiro badan oo xiddigaha ugu muhiimsan ee ay safkooda ku haystaan ah, Lovre Kalinic, Sime Vrsaljko, Borna Barisic, Marcelo Brozovic iyo Duje Cop ayaa dhammaantood xaalado dhaawac ku seegaya kulankan.

Dhinaca kale xulka martida ah ee saddexda libaax ayaa qudhiisu qaba dhaawacyo dhawr ah waxaana ka maqnaan doona xiddigaha kala ah James Tarkowski, Alex McCarthy, Danny Rose iyo Luke Shaw oo dhaawacyo kala duwan kulankan kaga maqnaan doona.

Waa sidee natiijooyinka labada xul ee min shantii kulan ee ugu dambeeyay?

Croatia ayaa shantii kulan ee ugu dambeeyay la ciyaartay xulal miisaan culus leh, Waxa ay guulo ka heleen Ruushka iyo England, Waxa ay bareejo la galeen Portugal halka ay guuldarrooyin culus kala kulmeen France oo Koobka Aduunka ka qaaday iyo Spain oo 6-0 ku gumaaday.

Dhinaca kale, England waxa ay shantii kulan ee ugu dambeeyay guulo kasoo heshay xulalka Switzerland iyo Sweden halka ay guuldarooyin kala kulmeen saddexda xul ee waaweyn ee kala ah Croatia, Belgium iyo Spain.

Xogta Kulanka:

Kulanka: Croatia v England

Tartanka: UEFA Nations League

Wakhtiga: 10:45 PM

Shaxaha macquulka ah ee labada xul qaran:

Croatia: Livakovic; Jedvaj, Lovren, Vida, Pivaric; Modric, Rakitic, Kovacic; Rebic, Kramaric, Perisic.

England: Pickford; Walker, Stones, Maguire; Trippier, Henderson, Winks, Barkley, Chilwell; Sterling, Kane.