Wuxuu I Xasuusiyaa Xavi Iyo Iniesta, Cajiib Ayuu Ku Noqon Lahaa Manchester United – Dimitar Berbatov Oo Tilmaamay Ciyaartoy Si Weyn U Anfici Lahaa Kooxdiisii Hore.

Xiddigii hore ee kooxda Manchester United ee Dimitar Berbatov ayaa tilmaamay ciyaartoy xasuusiya halyeeyada Barcelona ee Xavi Hernandez iyo Andres Iniesta isla markaana kusoo bixi lahaa kooxdiisii hore.

Xiddigaas ayaa ah Marco Verratti oo ka tirsan kooxda Paris Saint-Germain haatan isla markaaana Dimitar uu ka helay kulankii ay dhawaan kooxdiisu soo booqatay United isla markaana uu Verratti oo khadka dhexe ku weheliyay Marquinhos ay joojiyeen weerarka Manchester.

Berbatov ayaa Verratti si weyn ugu amaanay aragtidiisa marka uu garoonka dhexdiisa ku jiro iyo sida uu kubadda lugta ugu haysto marka uu hore u waayo xal deg deg ah.

Man United ayaan haysan ciyaartoy sidaas oo kale ah waxaana uu Berbatov oo 2011 ku guuleystay kabta dahabka ah ee Premier League uu aaminsan yahay in isaga iyo Matic ay noqon lahaayeen lamaane cajiib ah oo khadka dhexe ah.

Dimitar Berbatov ayaa yidhi “Waxa aan isaga ka jecelahay ayaa ah in fikirka ugu horreeya uu markasta yahay inuu hore u socdo, Laakiin haddii aysan midaasi soconayn waxa uu ku faraxsan yahay inuu kubadda haysto isaga oo xakamaynaya heerka ciyaarta oo kooxda kale seexinaya”

“Xiddigan ree Talyaani (Verratti) waa mid aan caadi ahayn, Waxa uu habab badab ii xasuusiyaa Xavi iyo Iniesta, Cajiib ayuu ku noqon lahaa United isaga oo khadka dhexe ku xiga Matic isaga oo xiddiga ree Serbia (Matic) u ogolaanaya inuu sameeyo qashinka (Kubad dilashada) halka uu isaguna maamulayo kulanka, Iima muuato PSG oo ku fikiraysa inay iibiso”

Verratti ayaa 250 kulan usoo ciyaaray Paris Saint-Germain isaga oo muhiim ka ah guulaha kooxdu ay soo gaadhaysay dhawaanahan.