Wixii Uu Jurgen Klopp Ugu Sheegay Qolka Labiska, Waxa Uu Kaga Jawaabo Eedayntii Gool La’aanta Ee Loo Soo Jeedinayay Iyo Mohamed Salah Oo Waxyaabo Badan Ka Hadlay.

Mohamed Salah ayaa soo bandhigay erayadii uu macalinkiisa Jurgen Klopp ugu sheegay qolka labiska kooxdiisa kadib guushii ay ka gaadheen Tottenham. Salah ayaa sidoo kale iska difaacay eedaymihii uu kula soo kulmayay in aanu goolal soo dhalin kulamadii ugu danbeeyay wuxuuna muujiyay in guusha kooxdiisu ay tahay waxa ugu muhiimsan.

Mohamed Salah ayaa gantaal ku ganay ciyaartoyda Premier League ee xili ciyaareedkan loo arko in ay isaga ka fiican yihiin wuxuuna ku duray in ay qaadanayaan xili ciyaareedkoodii noloshooda ugu fiicnaa balse ayna isaga ka goolal badnayn kuwaas oo mid ka mid ah loo fahmay in uu Raheem Sterling yahay.

Mohamed Salah oo ka hadlaya wixii uu Jurgen Klopp ugu sheegay qolka labiska kooxdiisa ayaa yidhi: “Markii aan tagay qolka labiska waxaan la hadlay tababaraha waxaanan u sheegay ‘ Markasta waajib kuguma aha in aad si fiican u ciyaarto, waxa ugu muhiimsani waa saddexda dhibcood”.

Mohamed Salah oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Kooxaha waa wayni markastaba waxay heleen qaab ay dhibcaha ku helaan, laga yaabee in aanan maanta ciyaarin kulankayagii ugu sareeyay laakiin guulaysiga ciyaarta ayaa ah waxa ugu muhiimsan. Waxaanu maanta u baahnayn guusha si aanu baaqi ugu sii ahaano tartanka”.

Mohamed Salah oo si layaableh iskaga difaacaya eedaymihii loo soo jeedinayay ayaa yidhi: “Dhawr kulan goolal maan dhalin laakiin waxaa jira ciyaartoyda qaar kuwaas oo haysta tirada goolal la mid ah intayda laakiin dadku waxay sheegayaan in ay ciyaartoydaasi qaadanayaan xili ciyareedkii noloshooda ugu fiicnaa”.

Mohamed Salah oo sharaxaadiisa sii wata ayaa yidhi: “Waxaa jira saddex ama afar ciyaartoy isla markaana qofna kama hadlayo iyaga. Waxay sheegayaan in ay xili ciyaareed fiican qaadanayaan isla markaana waxaan anigu ahay qofka kaliya ee xili ciyaareed xun qaadanaya. Anigu waxaan doonayaa in aan Premier league ku guulaysto, taas ayaa aniga ii ah waxa ugu muhiimsan”.

Mohamed Salah ayaa hadal gantaal ah ku ganay saxaafada iyo dadka u ololaynaya in Raheem Sterling uu yahay xidigii xili ciyaareedkan ugu fiicnaa laakiin su’aashu waxay tahay, midkee Mohamed Salah iyo Raheem Sterling xili ciyaareedkan fiican? Jawaabta waxaad ka heli kartaa xogta isbarbar dhiga labadan xidig, kadib adigu go’aami.

Mohamed Salah Vs Raheem Sterling

Gool Dhalinta Premier league
Mohamed Salah 17 vs 15 Raheem Sterling

Gool Caawinta Premier league
Mohamed Salah 8 vs 9 Raheem Sterling

Fursad Abuurista Premier league
Mohamed Salah 58 vs 59 Raheem Sterling

Gambiska Premier league
Mohamed Salah 65 vs 67 Raheem Sterling

Goolasha Kooxahooda Guul U Keenay:
Mohamed Salah 6 vs 4 Rahmee Sterling

Laakiin xogtan kadib, waxaa Raheem Sterling loo hadal hayaa in uu ku guulaysto abaal marinta xidiga sanadka ee Premier League ugu fiican halka Mohamed Salah uu eedayn badan kula soo kulmayay in aanu goolal soo dhalin.