Xiddig Laf Dhabar Usoo Ahaa Liverpool Xilli Ciyaareedkan Oo Uu Dhaawac Soo Gaadhay & Wer-Wer Laga Qabo Inuu Seego Horraanta Xilli Ciyaareedka Dambe.

Kooxda Liverpool ayuu usoo yeedhay war aan wanaagsanayn walow uu xilli ciyaareedkii soo dhammaaday hadana waxa ay dhibaato kula kulmayaan dhaawaca soo gaadhay daafaca kooxdeeda ee Andrew Roberston.

Roberston ayaa soo ahaa mid kamid ah tiirarkii Reds ee xilli ciyaareedkii soo dhammaaday waxaana uu door weyn kasoo qaatay in kaliya hal dhibic lagaga qaado Premier League kuna guuleystaan UEFA Champions League.

Daafacan ayaa haatan ku sugan xulkiisa Scotland oo uu kala qayb qaadanayay kulamada isreeb-reebka EURO 2020 balse waxa uu dhibaato dhaawac ku seegay kulankii ay xalay guuldarada 3-0 ka ah kala kulmeen Belgium.

Sida ay shaacisay BBC, Daafaca Reds ayaa kulankaas ku seegay dhaawac dhinaca muruqa ah waana mid u diidi kara inuu taam buuxa u noqdo horaanta xilli ciyaareedka dambe ee 2019-2020.

Kanaalka Sky Sports oo si hordhac ah uga faalooday dhaawaca soo gaadhay Roberston ayaa sheegaya inay jirto suurogalnimo uu kaga maqnaan doono shaxda koowaad ee Liverpool ee kulamada furitaanka xilli ciyaareedka soo socda.

Si kastabam Waxa sidoo kale dhaawacan ka hadlay tababaraha xulka Scotland ee Steve Clarke waxaana uu sheegay in daafacani uu isku dayay inuu kulankii Belgium taam u noqdo balse ay suurogal noqon wayday.

Clarke ayaa yidhi “Waa mid niyad jab leh in la waayo qof leh khibrada Andy, Hubaashii kulan sidan oo kale ah waxa uu u sameeyay waxkasta (Si uu taam ugu noqdo), Habeen hore waxa uu qaatay tababarkii laakiin subaxii ayuu kacay wuxuuna dareemay inaysan wanaagsanayn”