Weeraryahanka Xulka Nigeria Ee Samuel Kalu Oo Fuuq-Bax Dartii La Suuxay & Xaaladiisa Haatan Oo War Laga Soo Saaray.

Weeraryahanka xulka qaranka Nigeria ee Samuel Kalu oo xulkiisa qayb kala ah tartanka qaramada Africa ee xalay furmay ayaa lagu soo warramayaa inuu mudo kooban dhibaato galay isla markaana ku dhex suuxay tababarka qarankiisa.

Kalu ayaa dhibane usoo ahaa xaalad fuuq-bax ah kaddib markii uu lumiyay xadi badan oo dareeraha jidhkiisa ku jira ah maalinimadii Jimcaha.

Weeraryahanka ree Nigeria oo qayb ka ah kooxda ree France ee Bordeaux ayaa haatan la sheegayaa inuu si buuxda uga soo kabtay dhibaatadaas isla markaana uu diyaar u yahay kulanka uu xulkiisu magaalada Alexandria kula dheeli doono Burundi.

Dhinaca kale xidhiidhka kubadda cagta Masar oo iyagu tartanka qaramada Africa martigelinaya sanadkan isla markaana masuuliyad guud ay saarantahay ayaa war kasoo saaray xaalada Samuel Kalu.

Xidhiidhka Masar ayaa sheegay sidoo kale ay xiddigan dhibaato ka haysato dhinaca wadnaha isla markaana ay xaaladiisa caafimaad ee haatani tahay mid dagan.

Warbixinta FA-ga Masar ayaa u taalay sidan “Xaalada caafimaad ee ciyaartoyga Nigeria Samuel Kalu waa mid xasiloon haatan kaddib markii uu maray tijaabooyinkii caafimaad ee muhiimka ahaa ee kaddib dhicistiisii intii lagu gudo jiray tababarkii xulkiisa sababtoo ah inuu si fiican u shaqayn waayay muruq wadnaha ahi”

Iyadoo jawigu uu qayb ka yahay dhibaatada xiddigan, Waa markii ugu horreysay abid ee koobka qaramada Africa la qabto inta u dhaxaysa bilaha June iyo July oo kulayl aan yarayni uu ka jiro Masar.

Bisha dambe oo uu koobkani meelo xasaasi ah gaadhi doono ayaa la filayaa inuu jawiga Masar uu u dhaxayn doono 35 iyo 38 Celcius.