Weeraryahanka PSG Ee Edinson Cavani Oo Soo Dhex Galay Dooda Kala Xulashada Xiddigaha U Tartamaya Ballon d’Or, Luka Modric Oo Uu Si Cad U Diiday & Xiddigaha Uu Doortay.

Weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain ee Edinson Cavani ayaa soo dhex galay dooda dhawaanahan taagnayd ee shaqsiga ay tahay in lagu abaalmariyo abaalmarinta Ballon d’Or isaga oo meesha ka saaray murashaxa ugu cad cad ee Luka Modric.

Modric ayaa kusoo guuleystay Champions League sidoo kale Final kasoo gaadhay tartanka Koobka Aduunka waxaana loo arkayay shaqsiga ku guuleysan kara markii ugu horreysay tan iyo 2007 ee aan ahayn Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Cavani ayaa sheegay in daafaca Real Madrid ee Raphael Varane oo kusoo wada guuleystay labaleyda riyada ee Champions League iyo Koobka Aduunka, Antoine Greizmann oo Koobka Aduunka iyo Laba Koob oo Yurub ah haystay iyo Kylian Mbappe oo koobab maxali ah iyo Koobka Aduunka haysta ay yihiin kuwa u qalma abaalmarintan.

Weeraryahanka ree Uruguay ayaa yidhi “Waxa suurogal ah in Varane uu halkaas joogo, Sidoo kale Greizmann, Mbappe, Waxaan filayaa inay tahay in xiddig France ahi ku guuleysto, Waxa jira ciyaartoy kale oo awooda laakiin waa inay noqoto xiddig France ah, Iyagu waxa ay ku guuleysteen Koobka Aduunka”

Markale Cavani oo hadalkiisa sii wata ayaa si cad u sheegay in Modric uu wakhti fiican soo qaatay balse waxa uu carrabka ku adkeeyay daafaca ay Madrid kawada tirsan yihiin ee Varane oo uu u arko mid wax badan xaq uleh.

“Modric waxa uu soo qaatay xilli ciyaareed weyn, Laakiin xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Varane waxa uu ku guuleystay Champions League iyo Koobka Aduunka, Modric waxa uu ahaa mid soo gaadhay Finale oo olole weyn soo maray balse Varane ayaa in ka badan u qalma”.