Weeraryahanka Kooxda Paris St Germain Kylian Mbappé Oo Fraiin Laab Qaboojin  Ah U Diray Jamaahiirta Xulka France, Kadib Dhaawaacii Kasoo Gaaray Tababarka.

Weeraryahanka kooxda Paris St Germain Kylian Mbappé ayaa wuxuu fariin laab qaboojis ah u diray jamaahiirta xulka qaranka France kahor inta uusan bilaawan koobka aduunka 2018 oo bari khamiis ah ka bilaabmi doona dalka Russia.

Xulka qaranka France uu hogaaminayo macalin Didier Deschamps ayaa la ciyaari doono kulankooda ugu horeeya ee koobka aduunka dhigooda Australia, waxayna eeganayaan in ay kulankan kaga daah furtaan koobka aduunka guul.

Si kastaba Kylian Mbappé ayaa wuxuu dhaawac xoogan kasoo gaaray tababarka xulka qaranka France Talaadadii shalay, kadib markii ay si xoogan isugu dhaceen difaaca Adil Rami, taasoo sababtay in laacibka uu dhulka ku dhaco, isla markaana uu wadnaha gooyo dhamaan ciyaartoyda xulka iyo waaxda caafimaadka oo ka naxay dhaawaciisa

Waxaa jirtay warar badan oo isla markiiba leysla dhex marayay ee ku  aadan in ay suuragal tahay in Mbappé uu seegi karo tartanka koobka aduunka, islamarkaana uu tijaabada caafimaadka u marayo si loo ogaado xajmiga dhaawiciisa, islamarkaana uu Deschamps u go’aansado cida uu badalkiisa u soo xulan lahaa.

Laakiin laacibka ayaa hoos u dhigay wararka leysla dhex maray sacadihii lasoo dhaafay, wuxuuna shaaca ka qaaday in dhaawaciisa uu yahay mid fudud isla markaana aan wax walwal ah laga qabi doonin, wuxuuna fariin u maray bartiisa Twitter-ka dhamaan jamaahiirta xulka qaranka France oo dhaawaca laacibkan si xoogan kaga walwalsanaa,

Hadaba Kylian Mbappé ayaa kusoo qoray bartiisa Twitter-ka: “Waan fiicanahay, uma baahnid inaad ka walwalsho dhaawacan yar, waad ku mahadsan tihiin taageerida aad ii muujiseen”.

Kylian Mbappé ayaa wuxuu ka mid yahay xidigaha ugu muhiimsan uu tababare Didier Deschamps uu ku heysto xulka qaranka France, kaasoo looga fadhiyo inuu hogaamin doono dhanka weerarka ee xulka France ee koobka aduunka kusoo guuleestay sanadii 1998.