Weeraryahanka Kooxda Liverpool Roberto Firmino Oo Qarsan Kari Waayay Sida Uu Kaga Walwalsan Yahay Kulanka Finalka Ee UEFA Champions League.

Weeraryahanka kooxda Liverpool Roberto Firmino ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida uu ugu raaxeystay xili ciyaareedkii ugu fiicnaa xirfadiisa kubada cagta, laakiin wuxuu sheegay inuu dareemayo walaac kahor kulanka finalka Champions League ay kula ciyaari doonaan Real Madrid 26-ka bishan May.

26 jirkan ayaa 27 gool u dhaliyay Liverpool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, waxaana dhawaan uu saxiixay qandaraas muddo dheer ah oo uu kula joogi doono kooxda reer England.

Roberto Firmino ayaa wuxuu ugu horeyntii yiri: “kani waa sannadkeeyga ugu wanaagsan ciyaaryahan ahaan kubada cagta, Laakiin wali waxaan dareemayaa walaac yar sababtoo ah waxaan had iyo jeer raadinayaa wax badan”.

Weeraryahanka xulka qaranka Brazil ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Waxa ay noqon doontaa daqiiqad qaas ah hadii aan ku guuleysano Champions League, waa koob gaar ah sababtoo ah waa Champions League”.

Xidiga Liverpool ayaa hadalkiisa sii daba dhigay: “Haddii aan nasiib u laheyn inaan badino, waxa ay noqon doontaa waqti aad u dhaqso badan aniga iyo kooxda oo dhan”.

Fermino ayaa ka mid ah gooldhaliyeyaasha ugu fiican Europe isagoo 10 gool ka dhaliyay tartanka Champions League, waana tirsi goolal uusan gudbin xidig kale aanan ka ahayn dhaliyaha kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo.

Roberto Firmino ayaa hadalkiisa kusoo xidhay: “Waa xilli ciyaareedkeygii ugu horeeyay ee Champions League, waxaana ka mid ahay gooldhaliyaasha ugu fiican ee tartankan waxaana arintan kala saminahay Cristiano Ronaldo iyo Mohamed Salah, aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ku faraxsanaado qaab ciyaareedkeyga iyo qaab ciyaareedka kooxda oo dhan”.