Alvaro Morata Oo Qarsan Kari Waayay Sida Ay Ugu Adag Tahay Ciyaartoyda Blues In Ay Joojiyaan Halista Kag Imaan Karta Lionel Messi.

Weeraryahanka kooxda Chelsea ee reer Spain Alvaro Morata ayaa ka careysiiyay taageerayaasha ku sugan caalamka ee sida aadka ah u jecel kooxda Blues, kadib markii uu ku adkeystay xaqiiqada ku aadan inay adag tahay sida lagu joojin lahaa laacibka reer Argantina iyo koooxda Barcelona Lionel Messi.

Chelsea ayaa kusoo dhaweyn doonta kooxda Barcelona garoonka Stamford Bridge Isbuuca soo aadan lugta hore ee wareega 16ka Champions League, waxaana doonayaan inay qeyb kasii noqdaan tartankan wareega xiga maadaama ay ku adag tahay xili ciyaareedkan inay u dagaalamaan difaacashada horyaalka Premier League oo ay kusoo guuleysteen kan kii kasii horeeyay.

Laakiin laacibka reer Spain ayaan u muuqda midaan ku kalsoonin qabin awooda ay kooxdiisa ku joojin Karin weerarada halista ee Lionel Messi, kaasoo ah awooda ugu weyn xili ciyaareedkan ay ku dhaqaaqdo kooxda Barcelona. Wuxuuna la wadaagay saxaafada: “Wey adag tahay Lionel Messi sida lagu joojiyo”.

Morata oo ka hadlayay sida ay kooxdiisa Chelsea kaga gudbi karto dhibaatooyinka kooxda Barcelona uu hogaaminayo Messi wuxuuna yidhi: “Hadii aan dooneyno inaan guul ka gaadhno kooxda Barcelona waa inaan adeegsanaa qorsho difaaceed isla markaana aan yareenaa weerarada joogtada ah ee goolkooda aan ku beegsaneyno, waxaana inoo fududaan doonta in si fudud aan guul kaga gaadhno”.

Inkastoo Morata uu cabsi xoogan ka muujiyay halista Lionel Messi, hadana rikoodhka uu Messi ku leeyahay kooxda Chelsea ayaan ahayn mid u wanaagsan sida kooxaha kale uu kahor yimid, kadib markii uu ku guuldareystay inuu soo taabto shabaqa Blues 8 kulan uu kahor yimid xirfadiisa kubada cagta.