Weeraryahanka Kooxda Chelsea Alvaro Morata Oo Ku Tilmaamay In Waqtigii Ugu Xumaa Noloshiisa Ay Ahayd Kadib Markii Uu Seegay Koobka Aduunka 2018.

Alvaro Morata ayaa kaga soo hor muuqday saxaafada xerada tababarka ee xulka qaranka Spain, kadib markii uu ugu yeeray liiskiisa macalinka cusub ee Luis Enrique, weeraryahanka kooxda Chelsea ayaa xaqiijiyay inuu la kulmay dhibaato xoogan kadib markii uu seegay koobka aduunka 2018 ee dalka Russia.

Laacibka kooxda Chelsea ayaa wuxuu ugu horeyntii hadalkiisa ku bilaabay: “Waa arin aad u fool xun, sida uu ahaa xili ciyaareedkeygii lasoo dhaafay, kadib markii aan seegay koobka aduunka 2018, waxay ahayd arin aad iigu adag, laakiin ma wanaagsana in laga fikiro waxa tagay, waxaan u sameyn doonaa wax walba marxalada xigta”.

Morata ayaa hadalkiisa sii daba dhigay: “Si aan fursad ugu helo ka qeyb galkeyga koobka aduunka waxaan isku dayay inaan dib ugu laabto dalka Spain si aan ugu ciyaaro, marka ugu horeysay ee Italy, ma aanan aqbalin suurtogalnimada ah in la igu yeeri doono Koobka Aduunka, ugu dambeyn ma aanan tegin meelna, mana la iiguu yeerin ka qeyb galka koobka aduunka”.

Laacibka reer Spain oo ka hadlayay sida ay xaaladiisu ahayd xili ciyaareedkii lasoo dhaafay ayaa wuxuu yidhi: “Sanadkii hore ma aanan faraxsaneyn, wax walba waxay ahaayeen musiibo, waxaan ka baxay garoonka, mana ogeyn meesha aan joogo”.

Alvaro Morata ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay su’aal ku aadan in waxa ugu xumaa noloshiisa ay ahayd in koobka aduunka uu ka daawaday shaashada telefishanka?: “Haa, dabcan, marka aad ka daawaneyso Koobka Aduunka oo ah waxa ugu weyn ee riyadaada shaashada taleefishinka, aniga ahaan aad ayay iigu adkayd”.