Weeraryahanka Kooxda Bayern Munich Sandro Wagner Oo Amaanay Qaab Ciyaareedka Cristiano Ronaldo, Kahor Kulanka Ay Kuwada Ciyaari Doonaan UCL.

Dhaliyaha kooxda Bayern Munich iyo xulka qaranka Germany Sandro Wagner ayaa wuxuu amaanay dhigiisa kooxda Real Madrid ee reer Portugal Cristiano Ronaldo, kahor kulanka ay isku arki doonaan wareega afar dhamaadka tartanka UEFA Champions League-ga ee isbuuca soo aadan.

Real Madrid ayaa markale kula ciyaari doonta xili ciyaareedkan wareega afar dhamaadka UEFA Champions League kooxda Bayern Munich oo wali ka cadhaysan dhibaato ay sheegteen in ay sanadkii hore ka soo gaadhay garsoorkii dhex dhexaadinayay kulankii dhex maray labadan kooxood. Iyadoo ugu dambeyn kulankaas ay Real Madrid kasoo gudubtay.

Sandro Wagner ayaa u sheegay website-ka rasmiga ah ee Bundesliga: “Ronaldo waxa uu dhalinayaa goolal badan, waana in ka badan goolasha aan tababarka ku qaato, waa ciyaaryahan weyn, waan jeclahay dadka sidaas sameeya”.

Xidiga xulka qaranka Germany ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Waxay noqon doontaa mid caajib ah, hadii aan dhinacyo badan isaga ekaano, waa ciyaaryahan cajiib ah, waana ku faraxsanahay inaan ku wajihi doono labo kulan”.

“Laakiin daafaceena waa uu xoogan yahay, waxaan heysanaa daafaca ugu fiican Yurub, sidaasi darteed uma baahnid inaan ka dhuumato Cristiano Ronaldo”.

Wagner ayaa hadalkiisa kusoo xidhay: “Inaad ku beeganto Real Madrid ayaa ka dhigan inuu yahay isku aadkii inoogu adkaa ee wareega afar dhamaadka, laakiin waxaan nahay kuwo aad u fiican, kalsooni ayaan ku qabnaa, waxaan ku jirnaa xaalad wanaagsan waxaana rajeyneynaa inaan ciyaarno kulamadan oo kale”.