WEERARKA RIYADA: Kooxda Atletico Madrid Oo Kadib Saxiixyo Layaableh Oo Ay Samaysay Halis Wayn Ku Abuuri Doonta Kooxaha Real Madrid Iyo Barcelona.

Kooxda Atletico Madrid ayaa u muuqata mid si buuxda ugu diyaar garawday xilli ciyaareedka cusub kaddib markii ay safka kooxdeeda isugu keentay toddoba weeraryahan oo heer sarre ah, Kooxda Diego Simeone ayaa saddex kamid ah weeraryahanadaas kala soo saxeexatay suuqa kala iibsiga ee xagaagan.

Diego Costa, Antoine Griezmann, Angel Correa, Nikola Kalinic, Thomas Lemar, Vitolo iyo Gelson Martins waa weerarka holaca ah ee ay Atletico Madrid kusoo shirtagi doonto xilli ciyaareedka 2018-2019 waxaana la filayaa inay weerarka si fiican uga caawiyaan kooxda oo horeba uga dhisnayd xaga dambe ee daafaca maadaama oo sanadihii ugu dambeeyay si joogto ah usoo noqonaysay kooxda goolasha ugu yar laga dhaliya La Liga.

Waxa la filayaa inay jiri doonto balan qaad goolal badan ah marka la arko safka weerarka ee Atletico, Tababare Diego Simeone ayaa isku dayaya inuu dhiso saf weerar oo ku kala duwan qaab weerarka si ay kooxdu u hesho dookhyo kala duwan oo is caawiya.

Thomas Lemar ayaa dhawaan kaga soo biiray Atletico dhinaca AS Monaco isaga oo noqday ciyaartoyga ugu qaalisan taariikhda kooxda si lamid ah Nikola Kalinic oo ka yimid dhinaca AC Milan halka uu sidoo kale yimid Gelson Martins oo hore uga tirsanaa safka Sporting Lisbon.

Kahor intii aysan saddexdan xiddig soo gaadhin kooxdu waxay hore u haysatay Antoine Greizmann oo lagu tilmaamo midka ugu fiican ee ay kooxdu leedahay isaga oo xilli ciyaareedkii hore soo dhaliyay 29 gool tartamada oo dhan, Si lamid ah Diego Costa oo xilli ciyaareedkii hore soo dhaliyay toddoba gool walow uu qaybtii hore ee xilli ciyaareedka uusan qayb ka ahayn kooxda isla markaana ah ninka inta badan lagu lamaaniyo Greizmann.

Weeraryahanada Correa iyo Vitolo ayaa sidoo kale ah kuwo aan halis yarayn, Correa ayaa magaciisa ku qoray sagaal gool xili ciyaareedkii hore halka Vitolo oo isna kooxda yimid bishii January uu u muuqdo mid lasoo qabsanaya hab ciyaareedka kooxda.

Si kastaba ha ahaatee, Waxa la sugayaa sida uu tababare Diego Simeone u kala maareeyo weerarka riyada ee kooxdiisa iskugu yimid iyadoo si gaar ah isha loogu hayo weeraryahanada uu u xulan doono tartamada waaweyn ee La Liga iyo UEFA Champions League.