WEERAR: Real Madrid Oo Xiiso U Muujinaysa Virgil Van Dijk & Go’aanka Uu Ka Qaatay Mustaqbalkiisa Oo La Ogaaday – Miyuu Bernabeu Doonayaa Mise?

Kooxda ree Spain ee Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa inuu damac ka galay saxeexa daafaca dhexe ee Liverpool ee Virgil Van Dijk isla markaana ay doonayso inay Reds ku daydo haddii ay ka iibin karaan daafacooda.

Van Dijk oo kusoo guuleystay abaalmarinta xiddiga sanadka ee qaarada Yurub isla markaana la filayo in loo magacaabo liiska tartamayaasha Ballon d’Or ayaa haatan kamida daafacyada ugu fiican dunida kaddib markii uu Southampton 75 ugaga wareegay dhinaca Liverpool.

Real Madrid are interesting in signing Liverpool hero Virgil van Dijk

Van Dijk ayaa Liverpool ku hoggaamiyay inay laba xilli ciyaareed oo xidhiidh ah gaadho Final-ka UEFA Champions League sidoo kale waxa uu ka caawiyay inay kaliya hal dhibic ku seegaan horyaalka.

Si kastaba, Marka laga yimaado xaqiiqada ah inuu doonayo inuu kooxdiisa horyaalka la qaado haddana Madrid ayaa doonaysa inay samayso waxkasta oo awoodeeda ah si ay ugu qanciso inuu kooxdeeda kusoo biiro.

Dhinaca kale waxa xusid mudan in Virgil uu haatanba wadahadalo heshiis kordhin ilaa 2025 ah la wado kooxdiisa Liverpool isla markaana la filayo in inta badan heshiiskaas la dhammeeyay.

Wariyaha wargeyska Calcio Mercato ee Nicolo Shira oo ka faalooday xiisaha Real Madrid ee VVD ayaa sheegay in kooxdaasi ay doonayso saxeexa daafacan balse uusan isagu ka fikirayn inuu haatan baxo.

Nicolo ayaa Twitter-kiisa ku yidhi “Liverpool waxay doonaysaa inay soo gabo-gabayso heshiis kordhinta Van Dijk ee ilaa 2025”

“Reds waxa ay wada xaajood kula jiraan wakiiladiisa waxaana ay u bandhigeen mushahar cusub oo €12.5 Milyan ah sanadkii oo lagu daray gunnooyin, Real Madrid ayaa xiisaynaysa isaga laakiin isagu ma tix-gelinayo inuu baxo”