WEERAR: Mauro Icardi Iyo Qoyskiisa Oo Dhibaato Kula Kulmaya Amar Diido Uu Sameeyay Xiddigu, Xaaskiisa Oo Dhagax Lagu Weeraray & Tababare Spalletti Oo Ka Hadlay.

Go’aankii uu dhawaan qaatay xiddiga kooxda Inter Milan ee Mauro Icard isla markaana uu ku diiday inuu ciyaaro mid kamid ah kulamada kooxdiisa ayaa u muuqda mid cawaaqib xumo kula kulmaya go’aankaas iyadoo haatanba xaaskiisa sidoo kalena ah wakiilkiisa la weeraray.

Mustaqbalka Icardi ayaa shaki weyni ku jiray oo hubaanti la’aani ka taagan tahay waxaana intaas raacda in maalinimadii Arbacada gabi ahaanba laga qaaday xilkii kabtanimo ee kooxda.

Iyadoo shaqsiyaad badani ay qabaan in xaaska Icard ee Wanda Nara sidoo kalena wakiil u ahi ay qaska wado ayaa lagu weeraray gaadhigeeda iyadoo sida saxaafadu soo warisay dhagxaan loo adeegsaday.

Haddaba, Waxa falkaas anshax xumada ah ka hadlay tababaraha Inter ee Luciano Spalletti ayaa baaq sameeyay isaga oo sheegay in shaqsigii dhacdadaas xun sameeyay lasoo qabto.

Spalletti oo arriamahaas ka hadlaya ayaa yidhi “Waxaan rajaynayaa cidkasta oo sidaas samaysay in la helo oo la xidho sababtoo ah waa mid aan la aqbali karin”

Marka laga yimaado xaalada qasan ee uu kooxda kaga jiro Icardi ayaa sidoo kal dhaawac jilibka ahi soo gaadhayn kooxda ayaana xaqiijisay inuusan qayb ka qaadan doonin kulanka kooxdiisii hore ee Sampdoria ay maanta soo dhawayn doonaan.

Spalletti ayaa markale yidhi isaga oo ka hadlaya dhaawaca Icardi “Sidii ay kooxdu warbixin ku qortay, Icardi waxa uu qabaa dhibaato, Tani waxa ay isaga u diidaysaa ciyaarta kumana lug yeelan doono sababtoo ah waxa uu leeyahay barar”