Weeararyahanka Xulka Qaranka Croatia Mario Mandžukić Oo Ku Tilmaamay Finalka Koobka Aduunka 2018 Ay Gaareen In Ay Qeyb Tahay Mucjisada Kubada Cagta.

Xidiga kooxda Juventus iyo xulka qaranka Croatia Mario Mandžukić ayaa dareen farxadeed ka muujiyeen kadib markii ay gaareen finalka koobka aduunka 2018, isagoo dhinaca kale tilmaamay in tani ay qeyb ka tahay mucjisada kubada cagta.

Xulka qaranka Croatia ayaa markii taariikhdiisa ugu horeeyay u soo baxay finalka koobka aduunka kadib markii ay guul soo laabasho ah ka gaadheen England. Kadib markii ay ku xasuuqeen 2-1.

Mario Mandžukić ayaa kaalin weyn ka qaatay in xulka qaranka Croatia uu gaaro finalka koobka aduunka kadib markii uu dhaliyay goolka goosha, kadib 30-kii daqiiqo ee ciyaarta lagu taray, maadaama waqtiga ciyaarta loogu talagalay ee 90-ka daqiiqo ay ku soo idlaatay barbaro 1-1.

Kadib kulanka Mario Mandžukić ayaa wuxuu la hadlay shabakada “Goal” ee dalka England sida uu ugu faraxsan yahay in ay gaaraan finalka koobka aduunka 2018 markii ugu horeesay taariikhda wuxuuna yidhi: “Tani waa mucjisada kubada cagta, waxaan la ciyaarnay qalbiyadeena inta tartanka uu socday”.

“Waan ku faraxsanahay qaab ciyaareedkeyga Croatia ee koobka aduunka, waxaan halkan u joogaa kooxda, waxaan la kulanay cadaadis xoogan kulamada aan la leeyahay Danmark iyo Russia, laakiin qof walba wuu arkay wixii aan sameynay”.

“Waxaan la mid ahayn sida libaaxyada oo kale kulankii aan la ciyaarnay England, sidaas oo kale ayaana ahaan doonaa kulanka finalka koobka aduunka 2018, waa hubaal in aan ku raaxeesanay ciyaarta”.