“Waynu Dhacnay Crystal Palace Markii Aynu 50 Milyan Kaga Helnay Wan-Bissaka” – Jamaahiirta Man United Oo Fal-Celin Cajiib Ah Ka Bixiyay Bandhigii Wan-Bissaka Ee Kulankii Inter.

Jamaahiirta kooxda Manchester United ayaa la dhacay bandhigii uu saxeexa cusub ee kooxdooda ee Aaron Wan-Bissaka kasoo sameeyay kulankii ay shalay guusha 1-0 ka ah ka gaadheen kooxda Inter Milan.

Kulankaas ayaa ahaa midkii saddexaad ee ay United kasoo ciyaartay kulamada ka horreeya xilli ciyaareedka isla markaana ay kusoo heshay guusheedii saddexaad oo uu suurogaliyay gool uu da’yarka Mason Greenwood ku kala dhantaalay Inter.

Wan-Bissaka ayaa Man United kaga soo biiray dhinaca Crystal Palace suuqa xagaagan waxaana uu xilli horeba ku guuleystay taageerada jamaahiirta kooxda kaddib bandhigyadiisa wanaagsan ee kulamada is diyaarinta.

21 jirkan ayaa si lamida bandhigyadii labadii kulan ee hore qaab cajiib ah ula ciyaaray Inter isaga oo sameeyay xanibaado muhiim ah iyo waliba taakalada uu caanka ku yahay.

SIDOO KALE AKHRISO:  Warar Deg Deg Ah Oo Goos Ah Oo Suuqa Kala Iibsiga La Xidhiidha Iyo Dardarta Waalida Ah Ee Bilaabantay.

Hal taakal oo uu sameeyay xilli hore ayay markaliya jamaahiirtii 55,000 ahayd ee kasoo xaadirtay Nation Stadium hal mar qayliyeen sidiiyoo uu gool dhashay.

Haddaba, Waxaanu halkan idinkula soo wadaagi doonaa faalooyin ay barta Twitter-ka kusoo sameeyeen qaar kamida jamaahiirta Man United ee la dhacay bandhigii AWB ee kulankaas iyadoo qaarkood ay wax yar ku sifeeyeen lacagtii 50-ka Milyan ahayd ee ay kula soo wareegeen.

Taageeraha koowaad ayaa yidhi “Xaqiiqdii waynu ku dhacnay Crystal Palace saxeexa Wan-Bissaka ee kaliya 50-ka Milyan ah”

Taageere labaad ayaa yidhi “Wan-Bissaka waa mid xoogan, Tani waa markii ugu horreysay ee mudo dheer ee aan ku fikiro in saddex kamida afarta daafac ee United ay fiican yihiin”

SIDOO KALE AKHRISO:  RASMI: Barcelona Iyo Bayern Munich Oo Heshiis Ka Gaadhay Saxiixa Philippe Coutinho Iyo Rajadii Paris Saint-Germain Ee Coutinho Oo Burburtay.

Taageeraha saddexaad ayaa raacsaday “Wow, Waan ogahay xilligani waa xilli hore laakiin  laakiin xaqiiqdii waxaan arki karaa Wan-Bissaka oo ah daafaca midig ee ugu fiican dunida wakhti aad u dhaw”

Taageeraha afraad soo bedelay heestii Anthony Martial ee jamaahiirta United ayaa yidhi “50 Milyan ayaa qubtay, Wan-Bissaka markale ayuu ku guuleystay kubadda”