Sababtii Burburisay Mustaqbalkii Gerard Pique Ee Man United Oo Uu Wayne Rooney Soo Bandhigay.

Halyeeyga kooxda Manchester United ee Wayne Rooney ayaa shaaca ka qaaday sababtii tababare Sir Alex Ferguson ku qasabtay inuu iska fasaxo daafaca Barcelona ee Gerard Pique wakhtigii uu ku sugnaa Old Trafford.

Daafaca ree Spain ayaa sanadkii 2004 Man United kaga soo biiray dhinaca akaademiga kooxda Barcelona balse markii uu ahaa kaliya 20 sano jir sanadkii 2007 ayuu dhibaato kala kulmay kooxda Bolton.

Rooney pinpoints match that 'finished' Pique's Man Utd career

Pique ayaa dhibaato ka maray kulankii ay Bolton booqatay kooxdiisu sanadkaas kaddib markii uu ahaa shaqsiga qaldamay ee sababtiisa uu goolkii kaliya ee ay guuldarradu kusoo gaadhay United uu ku helay Nicolas Anelka.

Intaas waxa dheer ahna sababta ugu weyn ee uu Ferguson ku diiday Pique inuu handadaad (Hanjabaad) kala kulmay qaar kamida xiddigaha Bolton iyadoo dhammaadkii xilli ciyaareedkaas uu Ferguson 5 Milyan oo Pound kaga iibiyay Barcelona markale kaddib 23 kulan oo uu u ciyaaray kooxda guud ahaan.

Pique ayaa intaas kaddib joogto ka noqday daafaca Barcelona isaga oo kusoo guuleystay saddex Champions League oo kale oo uu laba kamid ah kaga guuleystay Man United qudheeda isla markaana Ferguson ku qasbay inuu qirto inuu ka qoomameeyo inuu iibiyay.

Rooney oo haatan ka sheekaynaya sheekadaas ayaa Pique oo uu sheegay in la handaday dhibna la kulmay la bar-bardhigay kabtankii Man Unite ee Nemanja Vidic oo uu sheegay in marka ay kulamadaas oo kale ciyaarayaan uu maalmo kahor jidh dhiska (GYM-ka) sii tagi jiray.

Rooney oo aragtidan ku qoray wargeyska The Sunday Times ayaa yidhi “Kulankii Bolton aanu martida u ahayn waxa uu in badan ama in yar soo gabo-gabeeyay waayihii ciyaareed ee Pique ee United”

“Isagu waxa uu ahaa mid yar halkaasna waa loogu hanjabay waxaanan filayaa in kaddib Fergie uu midaas go’aansaday, jidh ahaan isagu kumuu haboonayn Premier League”

“Markasta waxaan xasuustaa Vidic, haddii aanu Bolton u tagayno, sidaas oo kale ayayna ahayd marka uu wajahayo Didier Drogba, waxa uu joogi jiray jidh-dhiska laba ama saddex maalmood kahor”

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook