Wayne Rooney Oo Saadaal Ka Bixiyay Kooxda Xilli Ciyaareedkaan Ku Guuleysan Karta Horyaalka Premier League.

Kabtankii hore Man United Wayne Rooney ayaa saadaal ka bixiyay kooxda xilli ciyaareedkaan ku guuleysan karta horyaalka Premier League, balse saadaashiisa ma noqon mid ay ku farxeen jamaahiirta kooxdiisii hore.

Rooney oo soo xirtay marada xushmadda kooxda Red Devils, sidoo kalana ah ciyaariyahanka ugu goolasha badan kooxda ayaa aaminsan in Liverpool ay soo afjari karto abaarta dheer ee ka heysata iney horyaalka Ingiriiska hanato kadib guushii ay ka gaareen Leicester City.

James Milner ayaa gool u badalay rigoore loo dhigay Liveprool daqiiqadii ugu dambeysay ciyaartii ay Anfield kula ciyaareen Foxes, waxeyna natiijadaas ka dhigan tahay iney ku bilowdeen 100% fasalkaan maadaama ay 24-dhibic shaqeysteen 8-kulan.

Inkastoo Rooney uu sidoo kale usoo ciyaaray Everton oo cadaawad ba’an ay kala dhaxeyso Reds, hadana xiddiga u ciyaara haatan DC United ayaa IFL TV u sheegay: “Fikir ahaanteyda, Liverpool ayaa u muuqata midda ugu xoogan”

“Manhester City waa koox cajiib ah”

“Waxey ila tahay in Liverpool ay hormar sameysay marka loo eego sanadkii hore, halka Manchester City ay wali joogteyneyso heerkeedii, sidaas darteed waxey ila tahay Liverpool” ayuu mar kale yiri Rooney.