Wayne Rooney Oo Magacaabay Xiddigii Ugu Fiicnaa Ee Uu Kaga Soo Garab Ciyaaray Xulka Qaranka England, John Terry, Steven Gerrard Mise Frank Lampard?

Halyeeyga xulka qaranka England ee Wayne Rooney oo xalay xulkiisa matalay kulankii ugu dambeeyay ayaa shaaciyay xiddiga uu u arko midkii ugu fiicnaa ee uu xulka uu kasoo tirsanaa 15 sano lasoo wadaagay.

Rooney ayaa xalay u saftay xulka England oo ay ka buuxaan wejiyo da’yar isla markaana uusan aqoon fiican u lahayn sida Trent Alex Arnold iyo Jadon Sancho balse waxa uu dib u milicsaday wakhtigiisii xulka iyo jiilkii dahabiga ahaa ee ay wakhtiga soo wada qaateen.

Rooney ayaa wakhti lasoo qaatay xiddigo magac weyn leh oo ay kamid yihiin Steven Gerrard, Frank Lampard, John Terry, Ashley Cole, David Beckham iyo Rio Ferdinand balse waxa uu Gary Neville oo qudhiisu jiilkaas kamid ahaa waraysi ugu sheegay xiddiga isaga dookhiisa ah.

Rooney ayaa doortay kabtankii hore ee xulka iyo kooxda Liverpool ee Steven Gerrerd isaga oo sheegay in wakhtigii ay xulka ka fadhiisteen xiddigo badan uu ahaa mid kulamo badan dhabarka u ritay masuuliyada England.

Rooney ayaa yidhi “Waa inaan idhaahdo waxa uu ahaa Gerrard, Wakhtiyada qaar waxa uu ahaa mid na dhex geliya kulamada, Wakhtigii aanu luminay xiddigo badan oo ay kamid yihiin Adiga (Nevile), Ferdinand iyo Beckham oo aan soo hadhnay aniga, Gerard iyo Lampard, Stevie ayaa markaa kaddib nagu riixayay (Dhiirigelinayay) kulamada dhexdooda”

Gerrard is considered by Rooney as the Golden Generation's best

Xulka England ayaa ahaa mid ay soo mareen xiddigo badan oo dahabi ah balse waxa ay gabi ahaanba ku fashilmeen inay dhaafaan wax ka badan heerka siddeed dhammaadka ee tartanka Koobka Aduunka.