Wayne Rooney Oo Doortay Tababarihiisii Abid Ugu Fiicnaa, Sir Alex Ferguson Oo Uu Iska Indho Tiray & Shaqsiga Uu Calmaday.

Halyeeyga kooxda Manchester United ee Wayne Rooney oo haatan qayb ka ah kooxda horyaalka Maraykanka ee DC United ayaa doortay tababarihii ugu wacnaa ee uu abid lasoo shaqeeyay.

Rooney ayaa soo qaatay waayo ciyaareed oo aad u wanaagsan isaga oo lasoo shaqeeyay tababaraysha ugu wacan dunida qaarkood sidoo kalena laba wakhti oo kala duwan kasoo hoos ciyaaray David Moyes.

Sidoo kale waxa intaas u dheer Fabio Capello iyo Sven-Goran Eriksson oo kusoo layliyay xulka qaranka England ahna laba tababare oo sharaf iyo sumcad ku dhex leh garoomada.

Kooxda uu Rooney wakhtiga ugu badan kusoo qaatay ayaa ah Man United oo tababarihii ugu dambeeyay ee uu kula shaqeeyay uu ahaa Jose Mourinho oo ay kuwada guuleysteen Europe League iyo League Cup.

Intaa kahor Wazza ayaa Manchester kula soo kulmay Louis Van Gaal, David Moyes iyo ninkii ka dhigay ciyaartoyga uu dunida kasoo ahaa ee Sir Alex Ferguson keenayna Old Trafford.

Haddaba, Haddii aad filanaysay in Rooney uu Fergun u arko macalinkiisii ugu wacnaa abid ayuu fikradaas diiday waxaana uu sheegay in Van Gaal uu yahay tababaraha ugu fiican ee uu abid kasoo hoos ciyaaray.

Rooney oo arrimahaas ka hadlaya ayaa yidhi “Van Gaal ayaa in badan ah tababaraha ugu fiican ee aan lasoo shaqeeyay, Boqolkiiba boqol”

“Xirfadiida taatiko, Qaabkiisa uu u diyaar garoob iyo dareenkiisa xogta ugu wanaagsan, Waan ka helay, Anigu taas ayaan kula dhacay isaga waligay kumaan arag qof shaqaale ah sidaas oo kale”

“Van Gaal wuu og yahay in qaabka uu u shaqeeyo uu ku adagyahay ciyaartoyda, Aniga ayaa ogaysiiyay midaas wakhtigaas wax ku saabsan arrintana si aad u wanaagsan ayaan uga wada hadalnay”