“Waxaanu Isaga U Bandhignay Saddex Jibaarka Mushaharka Uu Barcelona Ka Qaato Laakiin Marnaba Muu Aqbalin” – Koox Weyn Oo Qiratay Sidii Uu Messi Ugu Gacan Saydhay!!.

Madaxweynaha kooxda Manchester City ee Al Mubarak ayaa ka sheekeeyay qaabkii ay mudo kahor iskugu dayeen saxeexa kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi, Wixii ay u bandhigeen iyo jawaabtii uu siiyay wakhtigaas.

Messi ayaa ah mid dhammaan waayihiisa ciyaareed kusoo qaatay Barcelona min 2004-tii markii uu kusoo biiray akaademiyada La Masia ilaa maanta iyadoo waliba la filayo inuu dhawaan saxeexo heshiis uu mustaqbalkiisa ugu hibaynayo kooxdaas.

Dabcan Manchester City ayay adagtahay in dhaqaale ahaan lagu diido, Sidoo kale waxa haatan adag in lagu diido heerka ay joogto maadaama oo ay koobab saaxiib u noqotay balse caqabada kaliya ayaa ah sumcada hore ee kooxdeeda oo aan balaadhnayn.

Haatan, Madaxweyne Al Mubarak ayaa sheegay in ay ugu horreynba adeegsadeen tababare Pep Guardiola oo saaxiib dhaw la ah Lionel Messi isla markaana ay soo wada qaateen waayo ciyaareed oo aad u wanaagsanaa wakhtigoodii Barca.

Mubarak ayaa intaas ku daray in marka laga yimaado inay adeegsadeen Guardiola ay sidoo kale Messi miiska u saareen saddex jibaarka mushaharka uu Barcelona ka qaato balse uu iska diiday taas oo muujinaysa sida uu daacada ugu yahay Barca.

Madaxweynaha Sky Blues ayaa yidhi “Waxaanu weydiinay tababare Pep Guardiola inuu la hadlo Messi, Waxaanu isaga u bandhignay saddex jibaarka mushaharka uu Barcelona ka qaato laakiin isagu marnaba muu aqbalin”

Messi ayaa ah xirfadlaha kubadda cagta ee mushaharka ugu badan hela dunida isaga oo 50 Milyan oo euro sanadkii Barcelona ka qaata.