“Waxaan Ku Laabanayaa Gurigayga Labaad” Gerard Pique Oo Si Weyn Usoo Dhaweeyay Isku Aadka Man United Iyo Old Trafford Oo Uu Ku Laabanayo 11 Sano Kaddib.

Daafaca dhexe ee kooxda Barcelona ee Gerard Pique ayaa si weyn u bogaadiyay inay tartanka Champions League ku aadeen kooxda ree England ee Manchester United oo uu xusuuso wanaagsan ku leeyahay.

Pique ayaa England kusoo qaatay saddex xilli ciyaareed oo kala ahaa (2004/05, 2005/06 and 2007/08) isaga oo hal sanad amaah ugu maqnaa dhinaca kooxda Real Zaragoza kahor intii uusan si rasmi ah ugu wareegin Barcelona sanadkii 2008.

Pique ayaa hore u qirtay jacaylka uu u qabo Manchester United maadaama oo ay ka caawiyeen inuu horumar weyn kasoo sameeyo dhinaca xirfadiisa ciyaareed waxaana intaa dheer inuu xidhiidh wanaagsan la lahaa tababare Sir Alex Ferguson.

Pique ayaysan ahayn markii ugu horreysay ee uu wajahayo Manchester isaga oo horeba uga hor tagay sanadkii 2011 Final-kii Champions League balse waa markii ugu horreysay ee uu ku laabanayo gegida Old Trafford oo uu haatan 11 sano kasoo maqnaa.

Haddaba, Gerard oo adeegsanaya bartiisa Twitter-ka ayaa ka falceliyay Tweet-kii Man United ay ku shaacisay isku aadkooda Barca waxaana uu soo qoray qoraal u yaalay sidan “Waxaan ku laabanayaa gurigayga labaad @ManUtd”

Markii ugu dambaysay ee ay labada kooxood kuwada ciyaareen Old Trafford ayaa ahayd 2008 markaas oo uu Pique la safnaa Red Devils walow uusan ciyaarin.

Paul Scholes ayaa kulankaas ka dhaliyay goolka kaliya ee lagu kala baxay isaga oo sabab u ahaa inay Barcelona tartanka ka cidhib tiraan.