“Waxaan Keydka Galiyay Alisson Becker & Gianluigi Buffon, Waxaan Ahay Goolhayaha Ugu Fiican Taariikhda Kubadda!!”.

Goolhayaha kooxda Juventus ee Wojciech Szczesny ayuu kasoo yeedhay hadal cajiib ah oo ay macquul tahay inaan jamaahiirta kubadda cagta oo dhammi ku raacin isaga oo daliilo ka dhigtay goolhayaha haatan ee Liverpool Alisson Becker iyo saaxiibkiisa Juve ee Gianluigi Buffon.

Szczesny oo haatan ku sugan waajibaadkiisa qaran isla markaana matalaya xulkiisa Poland ayaa iskii iskugu dhawaaqay inuu yahay goolhayaha ugu fiican taariikhda kubadda cagta.

Shabaq waardiyeeyihii hore ee kooxaha Arsenal iyo Roma ayaa ku dooday inuu yahay nin keydka galiyay Alisson oo haatan uu u arko goolhayaha ugu fiican dunida iyo waliba Buffon oo uu ku sifeeyay mid kamida kuwa ugu fiican taariikhda.

Szczesny ayaa yidhi “Markii aan joogay Roma waxaan keydka ku hayay Alisson, Midka ugu wanaagsan dunida oo keydka ku jira, Haatan Juventus, Goolhayaha kaabista ii ahi waa Buffon, Mid kamida goolhayayasha ugu fiican taariikhda”.

Dabcan Szczesny ayaa lagu eedayn karaa inuu fashil badan kula soo kulmay waayihiisa ciyaareed gaar ahaan wakhtigiisii Arsenal balse ugu yaraan waa mid caqli badan maadaama koox kasta oo uu soo joogay uu kasoo ahaa goolhayaha dookha koowaad.

Goolhayahan kasoo jeeda magaalada Warsaw ayaa ahaa dookha koowaad ee Gunners markii uu kusoo biiray sanadkii 2011 ee uu tagay Lehmann si lamid ah Roma xilli ciyaareedkii 2016-17 kaddibna waxa uu u wareegay Juve si uu u bedelo Buffon oo baxayay.