Waxaan Dooran Lahaa Daawashada Kulan Golf Ah Halkii Aan Ka Daawan Lahaa Kulan El-Classico Ah, Waligay Ma Noqon Taageere Kubadda Cagta Balse Kaliya Waaxaan Jecelahay Ciyaaristeeda!!.

Xiddigii hore ee kooxaha Manchester United, City iyo Juventus haatana ah weeraryahanka Boca Junior ee Carlos Tevez ayuu kasoo yeedhay hadal dad badan ka yaabiyay kaddib markii uu sheegay inuu kulan Golf ah ka jecel yahay kulanka ugu weyn kubadda cagta ee El-Classico.

Waxa layaab leh in shaqsi sida Carlitoz Tevez ugu soo raaxaystay kubadda cagta sanadihii ugu dambeeyay uusan haddana wax xiiso ah u qabin shaqadaas uu soo qabanayay mudada dheer.

Tevez ayaa ku dooday inuusan daawadeen kulanka El-Classico ee dunida oo dhan laga fiirsado isaga oo taa badalkeeda daawan lahaa kulan ka qayb ah ciyaarta Golf-ka.

Carlos ayaa yidhi “Haddii ay Barcelona iyo Real Madrid wada ciyaarayaan laakiin uu tartan Golf ahi ka socdo kanal kale, Waxaan dooran lahaa daawashada Golf-ka halkii aan ka daawan lahaa El-Classico”

Dhinaca kale Tevez ayaa sheegay inuusan wax jacayl ah u qabin kubadda cagta oo uu mudo ciyaarayay balse uu kaliya jecel yahay ciyaaristeeda iyo inuu kubadda ku haysto lugtiisa.

“Anigu wax kubadda cagta ah kama daawado muuq baahiyaha, Ma jecli kubadda cagta waligayna ma noqon taageere kubadda cagta ah, Waxaan kaliya jecelahay inaan ciyaaro oo aan kubadda ku haysto lugtayda”