“Waxaan Doonayaa Inaan Man United Kula Guuleysto Premier League & Champions League, Markii Aan Korayay Waxaan Arkay Iyaga Oo Ku Guuleysanaya”.

Advertisements

Weeraryahanka kooxda Manchester United ee Marcus Rashford ayaa ka warramay hammigiisa wakhtiga uu ku sugan yahay kooxdaas iyo nooca koobabka ah ee uu doonayo inuu kula guuleysto.

Advertisements

Rashford ayaa la saadaalin karaa inuu guulaha sanadaha soo socda ee kooxdiisa hormood ka noqon karo kaddib markii uu booskiisa kooxdaas iyo xulka England-ba xorraystay isagoo kasoo baxay akaademiyada kooxda.

Rashford ayaa xilli ciyaareedkan ku raaxaysanaya qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa isaga oo durtaba tartamada oo dhan kasoo dhaliyay 16 gool tiro kalena caawiyay waana xogtiisii ugu fiicnayd ee uu hal xilli ciyaareed diiwaan gashado.

Rashy oo haatan BT Sport u warramay ayaa sheegay inuu maanka ku hayo sidii uu Red Devils ugula guuleysan lahaa koobabka waaweyn ee Champions League iyo Premier League.

22 sano jirkan ayaa sheegay in kooxdiisu ay boos wanaagsan haatan u joogto guulahaas oo ay jihada saxda ah ku wajahan yihiin balse waxa loo baahan yahay uu yahay samir iyo in lasii wado horumarka.

“Waxaan sida iska cad doonayaa inaan Premier League iyo Champions League kula guuleysto United” Ayuu u sheegay BT Sport.

“Markii aan korayay waxaan arkay iyaga oo ku guuleysanaya waxyaabahan, Waxay noqotay wax caadi ah, Haatan waxaanu joognaa boos wanaagsan sababtoo ah waxaan arki karayaa halka ay kooxdu ku wajahantahay waxaananu ku soconaa jihada saxda ah, Kaliya waa inaanu ahaano kuwo samra oo aanu sii wadno horumarka”.

Advertisements