“Waxaan Doonayaa Inaan David Luiz Tuundheer (Tuunaydh) Kaga Saaro Arsenal” – Xiddig Chelsea Ah Oo Farriin Usii Diray Saaxiibkiisii Hore Ee Luiz.

Advertisements

Garabka kooxda Chelsea ee Willian Borges ayaa farriin usii diray xiddigii ay kooxdaas ka wada tirsanaayeen ee David Luiz kaas oo suuqii xagaaga ka dhaqaaqay Stamford Bridge si uu ugu wareego kooxda ay xifaaltamaan ee Chelsea.

Luiz ayaa xagaagii heshiis toddoba Milyan ah ugu wareegay Arsenal, Walow uusan jamaahiirta kooxdaas uga farxinin sidii ay sugayeen haddana waxa uu boos joogto ah ka haystaa tababare Unai Emery.

Natiijada sawirka Willian an Luiz

Arsenl iyo Chelsea oo aan wali xilli ciyaareedkan wada ciyaarin ayuu Willian haatan sheegay inuu doonayo inuu Luiz tuundheer/tuunaydh ka saaro haddiiba uu fursadaas ku helo.

Dhinaca kale Willian waxa uu Luiz ku sifeeyay walaalkii oo kale isaga oo xusay inay kulmeen markii ay siddeed sano jir ahaayeen isla markaana ay wakhtiyo badan kooxo iska soo horjeeda usoo kala ciyaareen.

Advertisements

Willian ayaa yidhi “Waxaan isaga wajahay dhawr jeer, Isaga oo u ciyaaraya Chelsea aniga oo u ciyaaraya Shakhtar, Aniga oo u ciyaaraya Chelsea isaga oo u ciyaaraya PSG”.

“Haatan waa isaga oo u ciyaaraya Arsenal, Isagu waa walaal aan leeyahay, Waxaanu ku kulanay da’dda siddeed sano, Laakiin garoonka dhexdiisa waa wax aan dhici karin (Walaalnimo) haddii ay tahay inaan tuundheer ka saaro waan ka saari doonaa”.

Si kastaba ha ahaatee, Luiz ayaa tan iyo markii uu Arsenal u wareegay laba gool u dhaliyay balse waxa uu dhibtooday hanaanka daafacasho ahaan.

Advertisements