Waxaan Doonayaa In Aan Rekoodhkan Ku Gaadho Liverpool- Mohamed Salah Oo Calaamadsaday Rekoodh Kale Oo Uu Reds Ka Doonayo.

Mohamed Salah ayaa xili ciyaareedkiisii labaad ku qaadanaya Anfield wuxuuna bilawgii xili ciyaareedkan u muuqday mid hoos uga dhacay qaab ciyaareedkii layaabka lahaa ee uu soo bandhigay xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee Liverpool balse xidiga reer Masar ayaa dib ugu soo laabtay xaaladiisii fiicnayd isaga oo dhaliyay goolkiisii 50 aad ee Liverpool markii ay Reds guusha 4-0 ka ahayd ka gaadhay Red Star Belgrade.

Mohamed Salah ayaa wax laga waydiiyay in uu noqday xidigii abid ugu deg dega badnaa ee 65 kulan oo kaliya ku gaadhay goolasha 50 ka gool wuxuuna muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay isla markaana uu rekoodhkan ugu han wayn yahay balse waxa uu calaamadsaday rekoodh kale oo ka wayn.

Mohamed Salah ayaa sheegay in uu doonayo sidii uu u gaadhi lahaa goolasha qariga ah ee 100 gool isaga oo waliba ku gaadhi kara heer aan hore uga soo dhicin Liverpool maadaama oo uu haddaba sare u dhaafay 50 gool kadib markii uu hal xili ciyaareed iyo woxogaa joogay Anfield.

Mohamed Salah oo la waydiiyay sida deg dega leh ee uu ku gaadhay 50 ka gool ee kooxdiisa Liverpool iyo sida uu u arko ayaa yidhi: “Anigu waxaan ku faraxsanay gaadhista 50 ka gool. Markasta waxaan ku faraxsanaa in aan jabiyo rekoodhada khaas ahaan rekoodhada koox sida Liverpool oo kale ah”.

Mohamed Salah oo calaamadsanaya rekoodh kale ayaa yidhi: “In aan noqday ciyaartoyga ugu deg dega badan ee 50 ka gool kooxda u dhaliyay waa wax fiican, laakiin waxaan u baahanay in aan sii wado oo aan goolal badan dhaliyo, waxaan wanaag ka raaynayaa 100 ka gool”.

Mohamed Salah oo xili ciyaareedkii hore ku soo wada guulaystay dhamaan abaal marinihii Premier League iyo qaarada Afrika ayaa markale ku soo baxay xidiga sanadka ee qaarada Afrika ugu fiican ee abaal marinta ay bixiso BBC World News.

Mohamed Salah oo arintan ka hadlaya ayaa yidhi: “Wixii aan ku soo gaadhay Liverpool waa wax fiican marka aad dib u eegto, markii aan bilawgii halkan imid, waxaan lahaa riyo iyo wax maskaxdayda ku jiray in aan gaadho, waxaanu ku dhawaanay mid ka mid ah laakiin finalkii ayaanu guuldaraysanay, laakiin waxaan filayaa in aanu dariiqa u saaranahay waxaanan ku faraxsanahay waxa aanu qabanayno”.