QIRASHO: Waxaan Awood U Lahaa In Aan Lionel Messi Iyo Neymar Jr Kubbada Cagta Kula Ciyaaro Meeraha Mars Haddii Aan……..!

Inta badan ciyaartoyda kubbada cagta ayaan si buuxda u qiran qaladka ay noloshooda ka soo sameeyeen si ay u fuliyaan awoodooda ciyaareed ee ay leeyihiin laakiin ugu yaraan waxaa jira hal ciyaartoy oo ka soo tirsanaa kooxaha Real Madrid, AC Milan, Inter Milan, AS Roma iyo kooxo kale oo badan oo aaminsan in haddii uu awoodiisa ciyaareed si fiican u soo bandhigi lahaa in uu la heer ahaan lahaa Lionel Messi iyo Neymar Jr oo uu kubbada cagta kula ciyaari lahaa aduunyo kale.

Dadka kubbada cagta ayaa marka ay sharaxaad fiican u waayaan bandhiga layaabka leh ee Neymar Jr iyo Lionel Messi waxay ku soo gaabsadaan waa xidigo aduunyo kale ka yimid iyada oo waliba meeraha Mars loo aaneeyo in ay ka yimaadeen laakiin taas waxaa sidii ay xaqiiq tahay ka dhigay xidigii hore ee xulka qaranka Talyaaniga ee Antonio Cassano kaas oo dib u qiimeeyay waayihiisii ciyaareed iyo sidii uu u soo dayacay awoodiisii layaabka lahayd.

Antonio Cassano ayaa ku soo guulaysatay koobabka horyaalada La Liga iyo Serie A isaga oo waqtiyo kala duwan ku soo qaatay kooxaha  Real Madrid, AC Milan, Inter Milan iyo AS Roma waxaana sidoo kale jiray kooxo badan oo uu ka soo ciyaaray, laakiin waxa uu si buuxda u qiray in uu dayacay awoodii uu ku gaadhi lahaa Messi iyo Neymar.

Antonio Cassano oo arintan ka hadlaya ayaa yidhi: “Anigu waxaan ahay nin dhib badan, maadaama oo aanan waligay garan xaalada ay tahay in aan ku soo tooso. Anigu waxaan awoodi karayay in aan aduunyo kale kubbada cagta ku ciyaaro, laakiin waxaa i haysatay dhibaatadan in aanan jeclayn tababarka isla markaana aan wax u cunayay sida aan dareemayay ee aan jeclaa waqtigaas, aniga ayaa jidhkayga qudhmiyay”.

Antonio Cassano oo dib u eegaya maalmihii fiicnaa ee uu kooxaha waa wayn ku soo qaatay ayaa yidhi: “Anigu waxaan u soo ciyaaray kooxaha aduunka ugu fiican sida Real Madrid, Inter Milan iyo Milan, haddii aan madax kale ku haysan lahaa garbahayga, waxaan ku ciyaari kari lahaa Mars(meeraha nolol ahaan dhulka ugu dhaw), Waxaan la mid noqon lahaa Lionel Messi, Neymar Jr iyo dhawr kale”.

Intaa kadib Antonio Cassano ayaa xusuusta dib ugu celiyay waqtigii carruurnimo ee ay Francesco Totti dariiqada ku wada ciyaari jireen wuxuuna yidhi: ” Aniga iyo Francesco Totti dariiqyada ayaanu ku wada ciyaari jirnay, waxaanu dhex ordi jirnay halka baabuurta la dhigto, maanta aad ayaa loo habeeyay oo loo qorsheeyay, qof kastaaba waxa uu ciyaar gacmeeda ku haystaa Ipad-kooda. Kubbada cagtu hiwaayad uma aha kuwa xirfada ku dhex jira laakiin waa samir iyo farxad”.