“Waxaan Ahaan Doonaa Tababaraha Saddex Sano Kaddib Ryan Ayaa Qabsan Doona” – Halyeey Ryan Giggs Oo Fashiliyay Wixii Uu Louis Van Gaal Ku Yidhi Maamulka Man United.

Halyeeyga kooxda Manchester United ee Ryan Giggs ayaa daaha ka qaaday xog dahsoonayd oo ku saabsan sida uu xilka tababarenimo ee kooxda isaga ugu abaabulayay tababarihii hore ee  Louis Van Gaal.

Giggs ayaa shaaciyay in Van Gaal uu madaxa fulinta ee kooxda ee Ed Woodward u sheegay inuu Giggs kooxda qabsado kaddib marka uu isagu heshiiskiisa saddexda sano ah dhammaysto.

Taa bedelkeeda Van Gaal ayaan dhammaysan heshiiskiisa kooxda maadaama oo ay Manchester caydhisay xilli ciyaareedkii 2015-2016 kaddib markii uu ku dhammaystay horyaalka meel ka baxsan afarta kaalmood ee sarre.

Giggs oo tababaraha ree Holland ku xigeen u ahaa ayaa sheegay inuu dareemay diyaar ahaansho tababarenimo oo ka badan midkii markii uu ciyaaraha ka hawl gabay balse aysan jirin cid aan Van Gaal ahayn oo wax balanqaad ah u samaysay.

SIDOO KALE AKHRISO:  "Man United Ayaa Mar Kale Ku Guuleysan Doonta Horyaalka Premier League Ka Hor Inta Aysan Liverpool Qaadin"

Ryan Giggs ayaa yidhi “Maya, Waxa ay ahayd mid wax badan ku saabsan Louis (Van Gaal) kaas oo midaas yidhi, Waad garanaysaa sida  Louis uu yahay waxa uu ku yidhi Woodward ‘Waxaan ahaan doonaa tababaraha saddex sano kaddib Ryan ayaa qabsan doona”

“Caadi ahaan Louis, Qof kale iima uusan samayn wax balan-qaad ah, Maan filayn inaan diyaar ahaa markii aan dhameeyay ciyaarista kubadda, Laakiin kaddib la shaqayntii Louis, Waxaan dareemay inaan wax badan diyaar ahay”

“Waan ogahay oo umaan shaqayn United (Ka tababare rasmi ah ahaan) laakiin Louis waxa uu ahaa mid cajiib ii ah aniga sababtoo ah waa macalin”

Si kastaba, Giggs oo 13 horyaal oo Premier League ah lasoo qaaday Manchester United ayaa xilka tababarenimo ee xulkiisa Wales qabsaday sanadkii 2018 isaga oo bedelay tababare Chris Coleman kaddib laba sano markii uu kasoo maqnaa Manchester.