“Waxaad Tahay Tababare Xun” – De Bruyne Oo Tababarihiisa Pep Guardiola Ku Dhex Caayay Dabaaldagyadii Horyaalka & Sababta Ka Dambaysa.

Khadka dhexe ee kooxda Manchester City ee Kevin De Bruyne ayaa la ogaaday inuu tababaraha kooxdiisa ee Pep Guardiola af-xumo u geystay intii lagu gudo jiray dabaaldegyadii hanashada horyaalka ee Axadii ka qabsoomay Amex Stadium.

Manchester City ayaa horyaalka ku qaaday 98 dhibcood waxaana ay dhibic ka sarreeyeen Liverpool oo iyadu gaadhay 97 dhibcood balse si niyad jab leh faro madhnaan ugu baxday.

City ayaa kulankii ugu dambeeyay 4-1 kusoo xaaqday kooxda Brighton and Hove Albion si ay hanashada horyaalka u dhammaystirto halka Liverpool ay ka adkaatay Wolves oo soo booqatay.

Haddaba sida ay haatan qabteen kaamerooyinka Muuq-baahiyaha ree Spain ee  Movistar, De Bruyne ayaa intii lagu jiray dabaaldegyadii horyaalka erayo af-xumo ah u adeegsaday Guardiola.

Hadalka KDB ayaa loo arkay mid kaftan ah maadaama oo ay labada dhinac farxad wada muujinayeen walow dhinaca kale loo fasiran karo dood kasoo cusboonaatay khilaafyo yar yar oo gudaha xilli ciyaareedkan soo kala dhex galay.

Hadalka De Bruyne ee ay qabteen kaamerooyinku ayaa ahaa sidan “Waxaad tahay tababare xun, Kaliya waad guuleysataa”