“Waxa Uu Noqon Doonaa Sanadkaygii” – Xiddig Aan Door Weyn Ku Lahayn Qorshaha Zidane Ee Real Madrid Oo Jamaahiirta Kooxdiisa Hadal Kaga Farxiyay.

Weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Mariano Diaz ayuu kasoo yeedhay hadal u muuqda mid uu bar-tilmaameedyo waaweyn ku leeyahay kooxdiisa xilli ciyaareedkan walow uusan door weyn ku lahayn qorshaha tababare Zinadine Zidane ee kooxda.

Dadka sida wanaagsan u yaqaana Mariano ayaa ku garanaya kalsoonida iyo geesinimada weyn ee uu leeyahay waxaana taas caddayn u ah inuu noqday ciyaartoyga kaliya ee ku dhacay inuu xidho No.7-kii uu kooxda ka baneeyay Cristiano Ronaldo.

Image result for Mariano Diaz

Waxa intaas dheer inuu markasta ka fikiro fikrad ka duwan mida tababarayaasha, Tusaale ahaan inuu diiday inuu ka tago kooxda iyadoo ay wada joogeen saddexleydii weerar ee BBC isla markaana uu 14 kulan soo ciyaaray oo uu shan gool soo dhaliyay.

Taariikhda ayaa markale dib isku soo celisay suuqii xagaagan kaddib markii uu Mariano go’aansaday inuu sii joogo kooxdiisa walow ay madaxda kooxdu doonayeen inuu koox cusub raadsado.

Haatan. Da’yarkan ayaa yidhi isaga oo Marca la hadlaya “Kani waxa uu noqon doonaa sanadkaygii” waana hadal muujinaya sida uu qorshe uga leeyahay kooxda xilli ciyaareedkan socda.

Diaz ayaan haatan xidhnayn maaliyada No.7 kaddib markii lagu wareejiyay Eden Hazard oo kooxda kaga soo biiray dhinaca Chelsea waxaana uu ku wareegay No.24.

Waxa ugu muhiimsan ayaa ah in Mariano Diaz uu tartan xoogani sugi doono oo uu booskiisa kula dagaalami doono Benzema, Jovic, Hazard, Bale, Vazquez, Diaz, Rodrygo, Junior iyo Asensio oo haatan dhaawac ku maqan.