Waxa Uu Ahaa Weeraryahan Goolasha Dhaliya Haatana Waa Goolhaye Goolasha La Dagaalama – Taariikhda Layaabka Leh Ee Mid Kamid Ah Goolhayayasha Ugu Fiican Yurub Haatan.

Goolhayaha haatan ee kooxda Arsenal ee Petr Cech ayaa ah mid taariikhdiisa kubadda cagta ay ku hareeraysan yihiin taariikho badan oo cajiib ah gaar ahaan farqiga weyn ee u dhaxeeya booska uu xirfada kubadda cagta kasoo bilaabay iyo booska uu haatan takhasuska ku yahay.

Goolhaye Cech oo ah shabaq ilaaliyaha khabiirka ah ee Arsenal sidoo kalena ah shaqsigii loo doortay goolhayaha ugu fiican sanadkii 2005 ayaa May 20, 1982 ku dhashay magaalada ay caawa ku ciyaarayso Real Madrid ee Plazen wakhtigii ay ishdex dagi jireen dadyawga ree Czech iyo Slovakia.

Cech oo kamid ahaa saddex caruur ah oo mataano ah ayaa ah shaqsi ahaan u qabay xanuun daciifnimo ku keena lafta madaxa waxaana uu wakhtigiisa ku qaadan jiray ku dheelista barafka iyo ka ciyaarista kubadda cagta isaga oo yaraantiisii ahaa weeraryahan dhexe.

Sababta ugu weyn ee uu Cech iskugu bedelay goolhaye ayaa ah inuu dhibaawac kala kulmay lugtiisa midig markaas oo ay kooxdiisii go’aansatay inuu boos bedelesho sameeyo oo uu noqdo goolhaye si uu lugtiisa u dhawro inta ugu badan ee ugu macquulsan.

Haddaba, Go’aankaas ay qaateen maamulkakooxda yar ee Chmel Blsany ayaa ah midka sababta u ah mid kamid ah goolhayayasha ugu fiican ee qarniga 21-aad.

Cech ayaan waligiis kasoo dhalaalin marnaba kooxdiisii carruurnimo waxaana uu kulankiisii ugu horreeyay guuldaro 3-1 ah kala kulmay kooxda Sparta Prague.

Cech ayaa hal mar oo xirfadiisa ah galay halis weyn kaddib isku dhac xoogan oo dhex maray isaga iyo Stephen Hunt oo qayb ka ahaa kooxda Reading markaas oo uu dhaawac gaadhay laftiisa madaxa oo uu horayba uga liitay.

Cech ayaa dhaawacaas qaliin guulaystay ka maray October 16 2006 markaas oo lagu najaxay inuu si buuxda ugu soo laabto garoomada kubadda cagta.