“Waxa Ku Waajib Ah Inuu In Badan Tababarto” – Antonio Conte Oo Durtaba Cabasho Ka Muujinaya Miisaanka Culus Ee Romelu Lukaku & Farriin Uu U Diray.

Tababaraha kooxda Inter Milan ee Antonio Conte ayaa qirtay in weeraryahanka dhawaan galka ku ah kooxdiisa ee Romelu Lukaku uu ku dhibtoonayo inuu qaab fiican u habeeyo jidhkiisa isla markaana uu culays rido.

26 sano jirkan ree Belgium ayaa u muuqda mid aad jidh ahaan uga wanaagsan qaabkii uu ahaa markii uu Man United u ciyaarayay xilli ciyaareedkii hore kaddib markii uu bedelay dheeli tirka cunada uu qaato.

Romelu Lukaku ayaa lagu eedeeyay inuu ahaa mid culays iyo cayil badan leh dhammaadkii waayihiisa ciyaareed ee Manchester isagoo gaadhay 104kg kahor intii uusan u wareegin Inter Milan.

Si kastaba, Tababare Antonio Conte ayaa haatan farxad ku muujiyay horumarka weeraryahankiisa balse dhinaca kale sheegay inay waajib ku tahay inuu tababar badan sameeyo si uu jidh ahaan u noqdo mid intan ka kooban.

Conte ayaa yidhi “Romelu dhab ahaantii waa ciyaartoy ay waajib ku tahay inuu in badan tababarto, Sababtoo ah inuu yahay ciyaartoy leh jidh weyn waxa uu u baahan yahay inuu tababarto, Inuu ciyaaro inuu qaab jidheed oo wanaagsan ku jiro”.

“Horaantii xilli ciyaareedka waxa uu qabay dhibaatadan (Dhaawac) dhabarka ah, Haatan waxa uu la tacaalayay dhaawacan kale ee muruqa ah tan iyo kulankii Lazio”.

“Laakiin waxaan filayaa inuu waxkasta sameeyay, Lama huraan ayay ahayd in aanaan Lukaku haysan kulankii Barcelona muhiim ayayna ahayd inaanu haysano, Isaga maanu haysan”.