Wax walba Oo Aad Uga Baahan Tahay In Aad Ka Ogaato Finalka Champions league Ee Liverpool vs Tottenham.

Dagaalka loogu jiro koobka kooxaha Yurub ee UEFA Champions league ayaa galay heerkiisii ugu danbeeyay waxaana hadda la joogaa finalka tartankan oo ay laba kooxood oo Ingiriis ahi iskugu soo hadheen markii ugu horaysay tan iyo 2008 kii.

Iyadoo Liverpool iyo Tottenham ay u soo baxeen finalka Champions League, waxaan halkaan idiin kugu soo gudbineynaa wax walba oo aad u baahan tahay inaad ka ogaato finalka sannadkan.

Goormaa la qabanayaa finalka Champions League?

Finalka Champions League oo ah kii 27aad ee tan iyo markii qaabkaan loo bedelay ama kii 64aad ee tan iyo intii sameeyay koobka kooxaha horyaalada Yurub, waxa uu dhici doonaa 1da bisha Juun 2019.

Waqtiga ay ciyaarta bilaabaneysa waa 10pm habeen Sabti ah.

Kumaa ciyaari doona finalka?

Liverpool ayaa u gudubtay finalka Champions League ka dib markii ay ka soo laabatay guuldarro 3-0 ah oo ay 4-0 ku garaacday Barcelona kulankii lugta labaad ee Anfield ee habeenkii Talaadada.

Tottenham ayaa iyagana 3-2 ku garaacay AJax kulankii habeenka Arbacada ka dhacay Amsterdam Arena iyadoo seddexleey uu dhaliyay Lucas Moura ay ka caawisay inay sharciga goolasha martida ku soo baxaan madaama wadarta natiijada labada lug ay noqotay 3-3.

Halkee lagu qabanayaa finalka?

Garoonka Wanda Metropolitano oo ay ku ciyaarto Atletico Madrid ayaa marti gelin doona finalka Champions League markii ugu horeysay, kaliya 18 bilood oo uu garoonka furan yahay.

Sidee ayaan u la socon karaa finalka Champions League?

Wax walba oo ku saabsan finalka Champions League waxaad kala socon doontaa laacib.net. Waxaan idiin soo gudbin doonaa warbixinada hordhaca u ah kulanka finalka. Taariikhda labada kooxood iyo koobka la ahaantiisa. Maalinta finalka si qoraal toos ah ayaan idiin kula socodsiin doonaa natiijada ciyaarta.

Immisa taageerayaal ayaa garoonka soo xaadiri doona?

Garoonka Wanda Metropolitano waxa uu qaadaa 67 kun taageerayaal ah, laakiinse tiradaas waa la dhimi doonaa waxaa soo geli doonta garoonka 63,500 taageerayaal ah.

Tikidhada sidee loo qeybsaday?

Taageerayaasha labada kooxood ee finalka isagu soo haray ayaa heli doonaa midkiiba 17 kun tikidho ah, halka inta soo hartay ay UEFA maamuli doonto.

UEFA waxay kaloo xaqiijisay in 4 kun tikidh kale laga iibin doono dad weynaha, halka 25,500 tikidh ee soo haray loo qeybin doona gudiga qaban qaabada maxaliga ah, UEFA iyo xiriirada xubnaha ka ah, shirkadaha xayaysiinta iyo warbaahinta.

Miyaa la isticmaali doonaa muuqaal caawiyaha garsooraha VAR?

Finalka Champions League ee 2019 waxa uu noqon doonaa midkii ugu horeeyay taariikhda ee loo isticmaalo muuqaal caawiyaha garsooraha VAR.

Teknooloojiyadaan oo isticmaalkeeda la bilaabay wareegii 16ka ayaa qeyb ka aheyd dhacdooyin badan oo la diiwaangeliyay xilli ciyaareedkan.