Wasiirka Arrimaha Gudaha Waddanka Talyaaniga Oo Ka Qayb-gelaya Ciyaarta Finalka Koobka Adduunka Inkasta Oo Aanu Xulkiisu Tartankan Ka Qayb Galin.

Wasiirka arrimaha gudaha ee waddanka Talyaaniga Matteo Salvini ayaa shaaciyey inuu qorshaynayo inuu tago waddanka Ruushka oo uu kaga qaybgalo ciyaarta finalka Koobka Adduunka.

Sida ay baahisay wakaadda wararka Askanews ee waddanka Talyaaniga, Matteo Salvini oo ah shaqsi ku sifoobay shisheeye nacayb iyo dagaalka tahriibeyaasha ayaa waxa uu tibaaxay in uu magaaalada Moscow u tegi doono daawashada ciyaarta ugu dambaysa Koobka Adduunka oo toddobaadka dambe horraantiisa ka dhici doonta Ruushka, halkaas oo la filayo inay kasoo qayb-galaan madax badan oo dunida ah.

Inkasta oo Matteo Salvini uu sheegay hadalkan haddana afhayeenkiisa oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyey in aan wali la qorshaynin ama muddaynin safarka wasiirka ee Ruushka, hase yeeshee haddii ay dhacdo inuu tago waxay dib u cusboonaysiin kartaa inuu dib u bilaabmo xidhiidhkii saaxiibtinimo ee ka dhaxayn jiray Roma iyo Madrid.

Matteo Salvini, wasiirka arrimaha gudaha ee Talyaanigu waxa kale oo uu tibaaxay inuu rajaynayo in kooxo ka socda Latin America ay finalka yimaaddaan sida Brazil ama Uruguay.