Warkii Ugu Wanaagsanaa Oo Usoo Yeedhay Jamaahiirta Real Madrid & LABA Xiddig Oo Laf Dhabar Ah Oo Tababarka Buuxa Qaatay.

Ugu dambayn waxa war wanaagsani usoo yeedhayaa jamaahiirta kooxda Real Madrid ee maalmihii ugu dambeeyay ay dhagahooda ka bateen dhaawacyad aan kala joogsiga lahayn ee hadheeyay safka kooxdooda.

Waxa tababarka buuxa kusoo laabtay xiddiga 100-ka Milyan ugu qiimaysan Madrid ee Eden Hazard oo ay kulankiisa ugu horreeya ee rasmi ah sugi la’yihiin taageerayaasha kooxdu iyo waliba James Rodriguez oo xilli ciyaareedkan rajo weyn laga qabo.

Hazard ayaa suuqii xagaagan Estadio Santiago Bernabeu kaga soo biiray dhinaca kooxda Chelsea balse dhaawac asiibay kahor xilli ciyaareedka ayaa u diiday inuu wali kulan rasmi ah matalo kooxdiisa.

Dhinaca kale James waxa uu kasoo laabtay laba sano oo amaah ah oo uu kusoo qaatay Bayern Munich, Kaddib isku day lagu sameeyay in la iibiyo xagaagii ugu dambayn wuu nagaaday waxaana ay taasi farxad u tahay taageerayasha kooxda oo in fursad la siiyo dalbanayay.

Si kastaba, Hazard iyo James ayaa la filayaa inay taam buuxa u noqdaan oo ay ku lug yeeshaan kulanka ay dhawaan kooxdu la yeelan doonto kooxda Levante.

Da’yarka Brahim Diaz ayaa qayb kamida tababarka sameeyay kahor intii uusan markale ku laaban shaqada shaqsiga ah.

Intaa waxa dheer in kabtanka kooxda ee Sergio Ramos iyo Dani Carvajal hal maalin fasax dheeri ah la siiyay kaddib markii ay kasoo laabteen waajibaadkooda xulka qaranka.