WARKII LA SUGAYAY: Neymar Aabihii Oo Afka Furtay, Maamulka PSG Oo Uu Weerar Ku Qaaday Iyo Arinta Wiilkiisa Taabatay Oo Uu Sharaxay.

Aabaha dhalay Neymar Jr ee Neymar Senior ayaa ugu danbayn warbaahinta kala hadlay heshiiskii fashilmay ee uu wiilkiisu ku doonayay in uu Barcelona ugu soo laabto, wuxuuna hal eray ku soo koobay arintii Neymar Jr qalbigiisa taabatay.

Neymar Senior ayaa door wayn ku lahaa bixitaankii wiilkiisa Neymar ee uu Barcelona kaga baxay isaga oo waliba dagaal la galay maamulka sare ee Barcelona intii lagu jiray xagaagii 2017 kii markii uu xidiga reer Brazil ku biiray PSG.

Laakiin hadda Neymar Jr aabihii ayaa sheegay in qalbiga wiilkiisa ay gilgishay saaxiibtinimadii ciyaartoyda kooxda Barcelona wuxuuna xusay in markii uu Neymar u sheegay ciyaartoyda Barca in uu soo laabanayo ay soo dhawayntii ay siiyeen ay qalbigiisa taabatay.

Barcelona iyo Neymar Jr oo ay colaad wayni soo dhex martay markii uu PSG ku biirayay ayaa iska ilaaway xaaladii hore waxayna suuqii xagaaga sameeyeen wax walba oo ay dib ugu midoobi lahaayeen laakiin taas waxaa beeniyay maamulka Paris.

Dhinaca kale Neymar Jr aabihii ayaa weerar ku qaaday hanaanka maamul ee kooxda PSG kaas oo uu sabab uga dhigay fashilma heshiiskii uu wiilkiisu ugu soo laaban lahaa Barcelona.

Neymar Jr aabihii oo ka qiranaya farxadii uu wiilkiisu ku haystay Barcelona iyo sida ay saamayn ugu yaalatay soo laabashadii uu doonayay ee fashilantay ayaa yidhi: “Wiilkaygu waxa uu aad ugu faraxsanaa Barcelona. Markii ay axaabtiisu ka dalbadeen haddii uu doonayo in uu soo laabto, taas ayaa isaga TAABATAY!”.

Neymar Jr aabihii uu weerar ku qaadaya hanaanka maamul ee kooxda PSG oo uu sabab uga dhigay fashilkii hesiiskii uu wiilkiisu Barca ugu soo laaban lahaa ayaa yidhi: “Ka wakiil ahaan, diciif ayaad dareemaysaa marka aanu jirin qaab dhismeed kuu ogolaanaya in aad dhaqaaqdo”.

Sabab labaad oo heshiiskii Neymar ee uu Barca ugu soo laaban lahaa sii xumaysay ayuu Neymar Senior ku sheegay: “Muu jirin qodob heshiiskiisa lagu burburin karayay oo qandaraaska ku jiray, tani waxyaabaha ayay sii adkaysay”.

Intaas kadib Neymar Jr aabihii ayaa erayo aan markii hore laga filayn saxaafada mariyay wuxuuna yidhi: “Anagu waanu dagaalanay si aanu iskugu dayno in aanu heshiis gaadhno, waxa ugu wanaagsan ee naftayada ayaanu isaga siinay”.

Waa markii ugu horaysay ee uu Neymar Jr aabihii si buuxda warbaahinta ugala hadlay heshiiskii fashilmay ee xidiga reer Brazil ku tagi lahaa Barca wuxuuna qiray in hanaanka maamul ee PSG iyo in qodob lagu burburin karo heshiiska Neymar oo aan jirin ay xaalada xumaysay.