WARKII LA SUGAYAY: Miyuu Cristiano Ronaldo Kasoo Qayb Galayaa Xaflada Ballon d’Or Ee Caawa? Halkan Kaga Boggo Xog La Helay Saacado Kahor Xaflada.

Wargeyska ree Spain ee Mundo Deportivo ayaa shaaca ka qaaday in kabtanka Barcelona ee Lionel Messi uu ka qayb gali doono xaflada abaalmarinta Ballon d’Or ee caawa la bixinayo halka tartamaha kale ee Virgil Van Dijk uu si cad afkiisa uga sheegay inuu goobta iska xaadirin doono.

Waxa ugu weyn ee laga war sugayay ayaa ahayd ka qayb qaadashada xafladaas ee weeraryahanka Juventus ee Cristiano Ronaldo waxaana haatan war kasoo saaray wargeyska caanka ah ee Goal.

Haddiiba ay Messi iyo VVD caawa diyaar ku noqon doonaan xaflada, Goal ayaa si cad u sheegay in Ronaldo uusan gabi ahaanba kasoo muuqan doonin.

Waxa ay u badantahay in Ronaldo uusan markan ku guuleysan karin abaalmarinta uu shanta jeer soo hantay taas oo qasbaysa inuu caawa goobta u cidleeyo VVD iyo Leo isla markaana uu raacdo muraadkiisa kale.

Advertisements

Ma noqon doonto markii ugu horreysay ee uu Ronaldo ka maqnaado xafladan balse waxa uu sidoo kale seegay sanadkii hore ee 2018 kaddib markii uu ogaaday in Luka Modric uu yahay guuleystaha abaalmarinta.

Sababta uu Ronaldo ku seegayo xaflada caawa ayaa ah inuu u safri doono magaalada Milan si uu uga qayb galo xaflada sanadka ee horyaalka Serie A.

Cristiano waxa la filayaa inuu shaxda sanadka ee horyaalkaas kala soo muuqan doono Handanovic, Cancelo, Chiellini, Koulibaly, Kolarov, Ilicic, Barella, Pjanic, Quagliarella iyo Zapata.

Advertisements