Warkii Hore War Soo Dhaaf!! – Xaalada Dhaawac Ee Sadio Mane Oo War Cusubi Kasoo Baxay & Haddii Uu Taam U Noqon Karo Kulanka Atletico Madrid.

Advertisements

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa lagu soo warramayaa inay tababarka kooxdeeda kusoo laabatay sidoo kale garabka kooxdaas ee Sadio Mane balse muhiimada ay ka leeyihiin Mane ayaa haatan ah inuu taam u noqdo inuu kasoo muuqdo kulanka Atletico Madrid.

Advertisements

Mane ayaa la aaminsan yahay inuu ku dhaw yahay kusoo laabashada xaalad taam ahaansho oo buuxa isla markaana uu kasoo muuqan karo kulanka ay kooxdiisa Liverpool booqanayso Norwich City toddobaadka soo socda.

Xiddiga kusoo guuleystay abaalmarinta ciyaartoyga sanadka ee qaarada Africa ayaa ka maqnaa Liverpool tan iyo 23-kii January markaas oo uu ku dhaawacmay kulan ay 2-1 kaga soo guuleysteen Wolves.

Mane ayaa ka hadhay xiddigaha kooxdiisa ee dunida ku kala faafay xilliga fasaxa waxaana uu baaqi ku yahay xarunta tababarka Melwood isagoo maray daawayn uu ku hubinayo haddii uu xiddigaha kooxda la tababaran karo dhawaan.

Liverpool ayay macquul tahay inay Mane fadhiisiso kulanka Norwich iyadoo la sheegay in ay haatan cabsi ka qabaan haddii uu Atletico kahor tagi karo taasina ay ku qasbi karto inaysan ciyaarta Carrow Road kula soo degdegin.

Liverpool ayaa 22 dhibcood ku qabatay hoggaanka horyaalka la’aanta Mane waxaana ay uga mahad celinayaan xiddigahoodii kale ee guulaha ka keenay kulamadii West Ham United iyo Southampton.

Advertisements